Shuruudan Soo Buuxiya!! – Da’yarka Ay Saxeexiisa Chelsea U Waalanayso Ee Kai Havertz Oo Shuruud Ku Xidhay Imaatinkiisa Stamford Bridge

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz ayaa lagu soo warramayaa inuu shuruud ku xidhay kooxda Chelsea isla markaana uu u wareegi doono kooxdooda kaliya haddii ay shardigaas kasoo baxaan suuqa xagaagan.

Warar soo baxayay dhawaan ayaa sheegay in Havertz uu wakhti ku filan kusoo qaatay Bayer Leverkusen isla markaana uu doonayo inuu iskaga tago suuqa soo socda.

Havertz

Chelsea ayaa ilaa hadda loo arkaa kooxda hoggaaminaysa dadaalada loogu jiro saxeexa 21 sano jirkan iyadoo la filanayo inay dalab rasmi ah ka gudbin doonaan.

Laakiin sida uu sheegayo Christian Falk oo ah madaxa wargeyska Sport Bild ee ree Germany, Havertz ayaa doonaya inuu iskaga tago gegida BayArena sababtoo ah inay ku fashilmeen inay Champions League usoo baxaan.

Falk ayaa intaas ku daray in shuruuda Chelsea hortaala si ay u helaan Havertz ay isla midaas uun tahay isla markaana ay waajib ku tahay inay usoo baxaan CL si ay ugu qanciyaan Havertz inuu Stamford Bridge kasoo xaadiro.

Warkan ayaa ah mid imanaya saacado kaddib markii dhaawaca weyn loo geystay hammiga Champions League ee Blues isla markaana ay guuldarro fadeexad ah oo 3-0 ah kala soo kulmeen Sheffield United.

Haddiiba ay Leicester City maanta garaacdo Bournemouth isla markaana ay Man United habeen dambe ka adkaato Southampton ayay Chelsea booska shanaad ee miiska kala sarreynta tagi doontaa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.