Shaxda Real Madrid Ee Kulanka Cadiz – Xiddig Los Blancos Ah Oo Walaalkii Kahor Tagaya & Xulashada Zidane

Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka La Liga isla markaana difaacanaysa ee Real Madrid ayaa dhigeeda Cadiz oo ku cusub tartanka xilli ciyaareedkana usoo dalacday kusoo dhawaynaysa gegideeda Alfredo Di Stefano kulan ka qayb ah wareega lixaad ee horyaalkaas.

Real Madrid ayaa doonaysa inay hoggaanka sii xejisato iyagoo tobban dhibcood kasoo helay afar kulan oo ay ciyaareen halka Cadiz ay toddoba dhibcood leedahay shan kulan oo ay laba guulood, laba guuldarro iyo hal bar-bardhac ah kala soo kulantay.

Tababare Zidane ayaa kusoo bilaabay Nacho Fernandez oo kahor tagaya walaalkii Alex Fernandez oo Cadiz ka tirsan, Marcelo ayaa Mendy kasoo hormaray, Courtois oo shaki ku jiray ayaa isaguna kusoo bilawday waxaana wali maqan Hazard, Carvajal iyo Odriozola.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Real Madrid:

Image

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.