Shaxda Rasmiga Ah ee PSG Vs Atalanta Iyo Xidig Muhiim Ah Oo PSG Kaydka Kaga Jira.

Kooxaha Atalanta iyo Paris Saint-Germain ayaa iskaga hor imanaya siddeed dhamaadka UEFA Champions League oo xili ciyaareedkan laga dhigay mid hal kulan ah oo aan lahayn qaabkii martida iyo minanka iyada oo uu sababay caabuqa karoona fayras.

Paris Saint-Germain ayaa wajahaysa kooxda xili ciyaareedkan layabaka soo dhigtay ee Atalanta laakiin arinta qariibka ahi waa in kooxda PSG ay  Mbappe iyo Neymar Jr oo kaliya ku kharash garaysay lacag ka badan intii ay Atalanta kooxdeeda oo dhan ku kharash garaysay laga soo bilaabo 2001 kii.

PSG waxay Neymar Jr iyo Mbappe kula soo wareegtay 392.7 milyan gini laakiin kooxda ay caawa wajahayaan ee Atalanta waxay kooxdeeda ku kharash garaysay 385.3 milyan gini laga soo bilaabo sanadkii 2001 kii.

Paris Saint-Germain waxay doonaysaa in ay u soo baxdo afar dhamaadka Champions League oo ay kula kulmi doonto Atletico Madrid iyo RB Leipzig midkii soo gudba waxayna PSG aragtaa dariiq ay ku gaadhi karto finalka koobkan dhibaatadu ka soo haysatay.

Weerarka PSG waxaa hogaaminaya Neymar Jr, Mauro Icardi iyo Sarabia waxaana kaydka ku jira Mabppe oo dhaawac ka soo laabtay.

Shaxda Rasmiga Ah ee PSG Vs Atalanta:

Atalanta: Sportiello; Toloi, Caldara, Djimsiti; Hateboer, De Roon, Freuler, Gosens; Gomez, Pasalic; Duvan Zapata

Kaydka: Gelmi, Rossi, Sutalo, Palomino, Czyborra, Muriel, Piccoli, Malinovskyi, Da Rica, Castagne, Bellanova, Colley

PSG: Navas; Kehrer, Thiago Silva, Kimpembe, Bernat; Herrera, Marquinhos, Gueye; Neymar, Icardi, Sarabia

Kaydka: Rico, Bulka, Mbappé, Paredes, Choupo-Moting, Diallo, Draxler, Bakker, Kalimuendo-Muinga, Dagba, Ruiz-Atil, Mbe Soh

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.