Shaxda Rasmiga Ah Ee Paris Saint-Germain vs RB Leipzig – Ayaa Lagu Soo Bilaabay Kulanka Adag Ee Semi-finalka Champions League?

Kooxaha Paris Saint-Germain iyo RB Leipzig ayaa caawa ku balansan kulanka wareega afar dhamaadka Champions League ee ka dhacay caasimada Portugal ee Lisbon.

Waxaa kulankaan isaga horimaanaya labo ka mid ah tababarayaasha ugu fiican Jarmalka iyadoo macalinka PSG Thomas Tuchel uu siiyay fursadii ugu horeysay ee tababarenimo macalinka uu ka horimaanayo caawa ee Julian Naglsmann.

RB Leipzig oo la aas-aasay 11 sannadood ka hor ayaa haatan joogta markii ugu horeysay abid semi-finalka Champions League halka PSG ay 25 sannadood ka dib soo xaadirtay wareega afar dhamaadka.

SHAXDA RASMIGA AH:

Kylian Mbappe ayaa taam buuxda u noqday in lagu soo bilaabo shaxda kooxda Paris Saint-Germain ka dib markii uu 30 daqiiqo ciyaaray kulankii wareega sideed dhamaadka ee ay ka badiyeen kooxda Talyaaniga ee Atalanta.

Goohaye Keylor Navas oo dhaawac ah ayaa seegaya kulankaan iyadoo booskiisa uu ku soo bilowday Rico. Dhanka weerarka waxaa shaxda ku soo noqday Di Maria oo caawinaya Neymar iyo Mbappe.

Halka khadka dhexe ay ka ciyaarayaan Ander Herrera, Paredes iyo Marquinhos. Kurzawa iyo Macro Verrati ayaa loo dhaadhiciyay kursiga keydka.

RB Leipzig XI: Gulácsi; Mukiele, Upamecano, Klostermann; Laimer, Sabitzer, Kampl, Angeliño; Olmo, Nkunku; Poulsen.

Keyd: Mvogo, Tschauner, Orban, Haidara, Forsbrg, Adams, Lookman, Schick, Halstenberg, Novoa, Borkowski, Wosz.

PSG XI: Rico; Kehrer, Thiago Silva, Kimpembe, Bernat; Marquinhos, Herrera, Paredes; Di María, Neymar, Mbappé.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.