Shaxda Rasmiga Ah Ee Man Utd vs FC Copenhagen Iyo Solskjaer Oo Shax Xoogan Magacaabay.

Manchester United ayaa tartanka Europa League ku wajahaysa kooxda reer Denmark ee FC Copenhagen waxayna United doonaysaa in ay sii wadato rajada ay ku doonayso in ay koobkan markale ugu guulaysato.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer  oo kulankii ugu danbeeyay ee Lask isbadalo badan shaxdiisa ku sameeyay ayaa dib ugu yeedhay ciyaartoyda kooxdiisa ugu muhiimsan ee uu kulankii Lask nasiyay.

Europa League waxa uu sida Champions league noqday mid qaabkii hore laga badalay iyada oo kooxda caawa laga guulaystaa ay gurigeeda ku laaban doonto.

Tababre Solskjaer ayaa shaxdiisa goolka ugu soo bilaabay Sergio Romero wuxuuna kaydka dhigay David De Gea oo qaladaad badan soo sameeyay.

Difaaca dhexe waxaa Man Uited ugu soo wada bilawday Harry Maguire iyo Eric Bailly iyada oo difaaca midig uu sii wadan doono Aaron Wan-Bissaka laakiin difaaca bidix waxaa loo soo dorotay da’yarka Williams.

Khadka dhexe ee Man United waxaa kuwada jira Bruno Fernandes, Pual Pogba iyo Fred.

Dhinaca weerarka waxa uu Solskjaer ku soo wada bilaabay saddexdii xidig ee isfahanka fiican soo yeeshay ee Marcus Rashford, Anthony Martial iyo da’yarka Mason Greenwood.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United

Man United XI: Romero, Wan-Bissaka, Bailly, Maguire, Williams, Fred, Pogba, Fernandes, Rashford, Greenwood, Martial

Kaydka: De Gea, Fosu-Mensah, Lindelof, Mengi, Matic, McTominay, Pereira, Mata, Lingard, Chong, Ighalo

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.