Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United vs West Ham Iyo Labada Kooxood Oo Ay Muhiimad Khaas Ah Ciyaartani U Leedahay.

Manchester United ayaa Old Trafford ku soo dhawaynaysa kooxda heerka labaad ka baxsanaysa ee West Ham United waxayna United doonaysaa in ay ka soo kabsato guuldaradii xanuunka badnayd ee Chelsea kaga soo gaadhay FA Cupka.

Man United iyo West Ham United waxay kulankan u arkaan mid ay xili ciyaareedka kooxahooda ku badbaadsan karaan laakiin ujeedooyinka ayaa gabi ahaanba kala duwan.

Man United waxay kaalmaha Champions League loogu soo baxayo kula tartamaysaa kooxaha Chelsea iyo Leicester City waxayna United og tahay in kulankan muhiimad wayn leeyahay maadaama oo ay kulanka ugu danbeeya marti u noqon doonaan kooxda ay sida tooska ah u tartamayaan ee Leicester City.

Tababare Solskjaer ayaa kaydka ku ciqaabay Aaron Wan-Bissaka oo bandhig liita sameeyay kulankii Chelsea ee FA Cupka laakiin goolhaye David De Gea oo ahaa ciyaartoygii United ugu liitay kulankii FA Cupka ayaa wali booskiisa sii xejistay.

Waxaa shaxda Man United ku soo laabtay Paul Pogba, Antonhy Martial iyo Mason Greenwood  oo dhamaantood kaydka ku jiray kulankii Chelsea ee FA Cupka

Laakiin kooxda West Ham ayaan wax isbadal ah shaxdooda ku samayn kadib guushii fiicnayd ee ay Watford ka gaadheen.

 West Ham: Fabianski, Cresswell, Johnson, Diop, Ogbonna, Noble, Rice, Soucek, Fornals, Bowen, Antonio.

Kaydka: Randolph, Balbuena, Yarmolenko, Anderson, Lanzini, Wilshere, Haller, Masuaku, Coventry.

Man United: De Gea, Fosu-Mensah, Williams, Maguire, Lindelof, Matic, Pogba, Fernandes, Greenwood, Rashford, Greenwood.

Kaydka: Romero, Mata, Lingard, Fred, Dalot, James, Ighalo, Wan-Bissaka, McTominay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.