Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United Vs Sevilla -Miyuu Ole Gunnar Solskjaer Soo Xushay Shax Uu Ku Guulaysan Karo?

Manchester United ayaa wajahaysa imtixaan aad u adag waxayna ka hor imanaysaa kooxda taariikhda Europa League ugu saamaynta badan ee Sevilla oo haysata rekoodhka koobabka ugu badan ee Europa League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankiisii ugu adkaa ee Europa League ee xili ciyaareedkan ka hor imanaya Sevilla waxayna United noqon doontaa kooxda koobkan ugu cad cad haddii ay meel iska saaraan kooxda hadda loo arko in ay koobkan ugu cad cadahay ee Sevilla.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa goolkiisa ku soo bilaabay David De Gea inkasta oo uu qaladaad badan soo sameeyay xili ciyaareedkan waxaana afarta difaaca ah ku soo wada baxay Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire iyo Williams.

Khadka dhexe ee Man United waxaa kuwada jira Fred, Pual Pogba iyo Fernandes halka weerarka ay ku midaysan yihiin Rashford, Greenwood iyo Martial.

Weerarka kooxda Sevilla waxaa hogaaminaya En-Nesyri iyo xidigii hore ee Liverpool ee Suso oo caawin ka heli doona Ocampos.

Shaxda Rasmiga Ah ee Sevilla Vs Man United

Sevilla XI: Bono, Navas, Kounde,Carlos, Reguilon, Fernando, Jordan, Banega, Ocampos, Suso, En-Nesyri.

Kaydka: Vaclik, Diaz, Gomez, Munir, Gudelj, Escudero, De Jong, Oliver, Vazquez, Lara, Genaro, Perez.

Man United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Williams, Fred, Pogba, Greenwood, Fernandes, Rashford, Martial.

Kaydka: Grant, Romero, Bailly, Fosu-Mensah, Mengi, Pereira, James, Lingard, Mata, Matic, McTominay, Ighalo.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.