Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City vs Bournemouth – Pep Guardiola Oo Keyd Geliyay Xiddigihiisa Ugu Muhiimsan

Manchester City waxay ku dhameysan doontaa kaalinta labaad ee horyaalka wax walba oo dhaca laakiin kulanka ay la ciyaarayaan caawa kooxda Bournemouth waa mid ay isagu diyaarinayaan koobab kale ee ay ku jiraan sida FA Cup iyo Champions League.

Waa kulankii ugu horeysay ee ay Man City ciyaareyso tan iyo markii maxkamada sarre ee isboortiga ay xukmisay in Man City ay ka qeyb qaadan doonto Champions League xilli ciyaareedka soo socda iyagoo laalay ganaaxii labada sannadood ee ay UEFA ku soo rogtay City.

Mugdigii ku jiray inay ka qeyb qaadanayaan Champions League xilli ciyaareedka danbe ayaa saameyn xun ku yeeshay City.

Pep Guardiola tababare uma uusan nooqnin koox sagaal kulan laga badiyay horyaalka hal xilli ciyaareed laakiin kooxdiisa haatan ee City ayaa rikoodhkaas ka jabisay, wuxuuna ku socdaa inuu helo dhibcihii ugu hoseysay ee uu helay tan iyo markii uu yimid Etihad xilli ciyaareedkii 16-17.

SHAXDA RAMIGA AH:

Manchester City waxaa weli ka maqan weeraryahan Sergio Aguero kaasoo qaliin lagu sameeyay bishii hore islamarkaana dagaal ugu jira inuu taam u noqdo kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan Real Madrid bisha danbe.

Madaama kulankaan uu muhiimad gaar ah laheyn, Pep Guardiola ayaa xiddigo waa wyen fariisaiyay sida Kevin de Bruyne, Raheem Sterling iyo daafaca adag Laporte.

Waxaa lagu soo bilaabay Foden oo caawinaya xiddiga weerarka hogaaminaya Gabriel Jesus iyadoo garabka kale ee weerarka uu ka dheelayo Bernando Silva.

Khadka dhexe waxaa ku soo wada bilowday Gundogan, David Silva iyo Fernandinho, halka Stones uu daafac dhexe ka garab ciyaarayo Otamendi.

Man City: Ederson, Walker, Stones, Otamendi, Mendy, David Silva, Gundogan, Fernandinho, Bernardo Silva, Jesus, Foden.

Keyd: Carson, Laporte, Garcia, Zinchenko, Rodri, Doyle, De Bruyne, Mahrez, Sterling.

Bournemouth: Ramsdale, Stacey, Kelly, Steve Cook, Rico, King, Billing, Lerma, Gosling, Stanislas, Solanke.

Keyd: Boruc, Simpson, Danjuma, Surman, Lewis Cook, Brooks, Harry Wilson, Callum Wilson, Surridge.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.