Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Tottenham vs Man City – Jose Iyo Pep Oo Isku Muruxsanaya & Xiddigaha Ay Soo Xusheen

Kooxda Manchester City oo uu hormood u yahay tababare Pep Guardiola ayaa booqanaysa dhigeeda Tottenham oo uu horkacayo Jose Mourinho, labada kooxood ayaa kulankan si isku mid ah u doonaya saddexda dhibcood.

Tottenham oo haatan booska saddexaad joogta ayaa doonaysa guul ay hoggaanka horyaalka kula wareegto halka Manchester City oo kulan baaqi ah haysata ay doonayso guul ay booska 7-aad ee miiska kala sarreynta ku timaado.

Tottenham vs Manchester City: Will Spurs stake Premier League title claim? | Football News | Sky Sports

Guardiola ayaa kulankan shaxdiisa kusoo bilaabay Mahrez oo ka maqnaa kulankii Liverpool isaga oo keyd ka dhigay Raheem Sterling oo dhaawac qabay iyo Sergio Aguero oo dhaawac mudo dheer ah kasoo laabtay, si lamid ah Gundogan iyo Foden.

Mourinho ayaa dhinaciisa fadhiisiyay Gareth Bale waxaana uu soo qadimay Bergwijn iyadoo Serge Aurier uu daafaca midig kusoo baxay kaddib markii uu caabuqa Korona ku dhacay Matt Doherty.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Manchester City: Ederson, Walker, Dias, Laporte, Cancelo, Rodri, Bernardo, Torres, De Bruyne, Mahrez, Jesus

Keydka: Steffen, Stones, Sterling, Gundogan, Aguero, Foden, Garcia

Tottenham: Lloris, Aurier, Alderweireld, Dier, Reguilon, Sissoko, Hojbjerg, Bergwijn, Ndombele, Son, Kane

Keydka: Hart, Bale, Rodon, Lo Celso, Moura, Davies, Vinicius

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.