Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Tottenham vs Arsenal – Yaa Kusoo Bilawday Kulanka Holaca Ah Ee North London Derby?

Kooxaha Tottenham iyo Arsenal ayaa kulanka xiisaha iyo xamaasada badan ee waqooyiga London caawa ku wada ciyaaraya gegida Tottenham Hotspur Stadium xilli aysan labadooda midna qaadanayn xilli ciyaareedkii wanaagsanaa ee laga filayay.

Arsenal ayaa haatan 50 dhibcood ku joogta booska 8-aad ee miiskal kala sarreynta horyaalka halka kooxda uu hoggaaminayo tababare Jose Mourinho ay 49 dhibcood leedahay guud ahaan.

Tottenham Vs Arsenal

Tababare Arteta ayaa kulankan keydka dhigay xiddigihiisa da’yarta ah oo uu ugu horreeyo Bukayo Saka waxaana uu saddexleydiisa weerar ku mideeyay kabtan Aubameyang, Lacazette iyo Nicholas Pepe isagoo saddex daafac dhexe ciyaaraya.

Dhinaca kale Jose Mourinho ayay saddexdiisa weeraryahan yihiin Harry Kane, Son iyo Moura, Spurs ayay khadka dhexe u hayaan Sissoko, Winks iyo Lo Celso iyagoo hanaanka 4-3-3 kusoo shirtagay.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Arsenal: Martinez, Mustafi, Luiz, Kolasinac, Bellerin, Ceballos, Xhaka, Tierney, Pepe, Lacazette, Aubameyang.

Keydka: Macey, Sokratis, Torreira, Maitland-Niles, Holding, Soares, Nelson, Willock, Saka.

Tottenham:  Lloris, Aurier, Alderweireld, Sanchez, Davies, Sissoko, Winks, Lo Celso, Son, Kane, Moura.

Keydka: Gazzaniga, Vertonghen, Lamela, Sessegnon, Bergwijn, Ndombele, Skipp, Fernandes, Tanganga.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.