Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Real Madrid vs Alaves – Yaa Ka Ciyaaraya Boosaskii Ramos, Marcelo Iyo Carvajal?

Real Madrid waxay martigelinaysaa Alaves, waxaanay u baahan tahay inay hesho guul ay hoggaanka horyaalka ugu sii dheeraysan karto, afar dhibcoodna kaga sarrayn karto Barcelona oo kusoo dhowaatay markii ay usbuucan soo guuleysatay.

Kulankan oo Real Madrid ay ugu sii dhowaan karto koobka horyaalka LaLiga ayaa guul ay ka hesho, waxay siinaysaa in saddexda ciyaarood ee dambe ay kaliya afar dhibcood uga baahdaan, si ay horyaalka ugu guuleystaan.

Real Madrid Vs. Alaves
Real Madrid Vs. Alaves

Kabtan Sergio Ramos iyo Dani Carvajal ayaa ganaax ku maqan ciyaartan, sidoo kalena Marcelo iyo Nacho Fernandes ayaa dhaawac ah.

Tababare Zidane waxa kaydka u diray Eden Hazard oo kasoo laabtay dhaawac, Valverde iyo Vinicus Junior oo muhiim ka ahaa kooxda intii uu horyaalku dib u bilaabmay.

Zinedine Zidane ayaa kusoo bilaabay safkiisa laacibka reer Spain ee Lucas Vazquez oo ka ciyaaraya difaaca midig ee uu dhaawaca ka yahay Carvajal, waxaana booskii Ramos buuxinaya Militao oo ka garab ciyaaraya Varane, halka uu Mendy dhinaca bidix taagan yahay.

Khadka dhexe ayuu Zidane culays weyn saaray, waxaanu kusoo bilaabay Casemiro, Kroos iyo Modric, halka weerarkana ay Karim  Benzema garbihiisa taagan yihiin Rodrygo iyo Asensio.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Courtois, Lucas Vazquez, Varane, Militao, Mendy, Casemiro, Kroos, Modric, Rodrygo, Asensio, Benzema.

Kaydka: Areola, Altube, Hazard, Bale, Valverde, Brahim, Isco, Mariano, Vinicur Jr, J. Hernandez, Miguel Gurierrez

Alaves XI (TBC): Jimenez, Navarro, Magallan, Laguardia, Marin, Vidal, Camarasa, Pina, Rioja, Perez, Joselu.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.