Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man City vs Arsenal – Sergio Aguero Oo Soo Laabtay & Arteta Oo Go’aan Ka Gaadhay Thomas Partey

Kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa kulan xiiso badan ku yeelan doona gegida Etihad Stadium ciyaar ay markale iska hor iman doonaan tababare Pep Guardiola iyo ku xigeenkiisii hore ee Mikel Arteta.

Kulankan oo ah wareega shanaad ee Premier League xilli ciyaareedkan ayay labada kooxoodba guusha doonayaan, Guardiola ayaa hore kulan horyaalka ah uga adkaaday Arteta halka uu Arteta ka reebay FA Cup-ka.

Pep Guardiola ayaa kulankan kusoo bilaabay Sergio Aguero oo mudo ka maqnaa, Laporte oo gabi ahaanba maqan ayuu booskiisa buuxinayaa Ake halka uu daafac bidix ciyaarayo Joao Cancelo maadaama Benjamin Mendy maqan yahay.

Arteta ayaa go’aansaday inuu keydka soo fadhiisiyo saxeexa cusub ee Thomas Partey isaga oo ka doortay Ceballos iyo Xhaka, Lacazette iyo Nketiah ayaa keydka kuwada jira waxaana weerarka ku midaysan Pepe, Auba iyo Willian.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Arsenal: Leno, Holding, Gabriel Magalhaes, Tierney, Bellerin, Ceballos, Xhaka, Saka, Willian, Aubameyang, Pepe.

Keydka: Runarsson, Lacazette, Maitland-Niles, Partey, Luiz, Elneny, Nketiah.

Man City:  Ederson, Walker, Dias, Ake, Cancelo, Rodrigo, Foden, Silva, Mahrez, Aguero, Sterling.

Keydka: Steffen, Stones, Gundogan, Torres, Fernandinho, Delap, Garcia.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.