Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Liverpool vs Burnley – Tababare Jurgen Klopp Oo Laba Da’yar Si Cajiib Ah Usoo Aaminay

Kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League dhawaana kusoo guuleysatay tartankaas ee Liverpool ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Burnley, kulankan ayaa kamid ah usbuuca 35-aad ee xilli ciyaareedkan 2019-20.

Liverpool ayaa markale kulankan gelaysa iyadoo muhiimadeeda koowaad ay tahay inay saddexda dhibcood qaadato maadaama oo ay u socoto rekoodhka dhibcaha ee Premier League halka Burnley oo kulankii ugu dambeeyay kasoo adkaatay West Ham United ay qaab ciyaareed wanaagsan ku jirto.

Liverpool Vs. Burnley

Tababare Jurgen Klopp ayaa kulankan fursad soo siiyay xiddigaha da’yarta ah ee Curtis Jones iyo Neco Williams oo daafaca midig iyo khadka dhexe ka kala ciyaaraya.

Sadio Mane oo kulankii ugu dambeeyay fadhiyay ayaa shaxda kusoo laabtay halka Alexander Arnold iyo Keita ay keydka ku jiraan.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Burnley: Pope, Bardsley, Tarkowski, Long, Taylor, Pieters, Brownhill, Westwood, McNeil, Rodriguez, Wood

Keydka: Peacock-Farrell, Gudmundsson, Brady, Vydra, Thompson, Dunne, Benson, Goodridge, Driscoll-Glennon

Liverpool: Alisson, Williams, Gomez, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Wijnaldum, Jones, Firmino, Mane, Salah

Keydka: Adrian, Lovren, Keita, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Shaqiri, Origi, Alexander-Arnold, Elliott

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.