Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Holaca Ah Ee Man United vs Tottenham – Haddii Uu Son Taam Noqday & Solskjaer Oo Xiddig Ay Jamaahiirtu Doonayeen Kusoo Bilaabay

Kooxda Manchester United ayaa gegideeda Old Trafford ku qaabilaysa dhigeeda Tottenham oo uu hoggaaminayo macalinkii laba sano kahor laga caydhiyay ee Jose Mourinho, labada kooxood ayaa saddexda dhibcood isha ku wada haya.

Man United ayaa xilli ciyaareedkii hore Mourinho iyo Tottenham kaga adkaatay Old Trafford, Red Devils ayaa markale doonaya inay sidaas sameeyaan halka Special One uu isha ku hayo inuu aarsado markan.

Tottenham ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka rigoore laga dhaliyay daqiiqadii ugu dambaysay bar-bardhac kula kulantay halka Manchester ay kusoo guuleysatay rigoore ay dhaliyeen daqiiqadii ugu dambaysay.

Tottenham ayuu kulankan taam buuxa u noqday Son oo dhaawac kaga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay halka uu daafaca bidix ugu soo bilawday Sergio Reguilon.

Solskjaer ayaa dhinaca Man United keydka dhigay Lindelof isaga oo kusoo bilaabay Eric Bailly halka uu wali keydka ku hayo Donny Van de Beek.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Tottenham: Lloris, Aurier, Sanchez, Dier, Reguilon, Hojbjerg, Sissoko, Ndombele, Lamela, Son, Kane.

Keydka: Hart, Doherty, Alderweireld, Davies, Winks, Alli, Moura.

Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Bailly, Maguire, Shaw, Matic, Pogba, Greenwood, Fernandes, Rashford, Martial.

Keydka: Henderson, Lindelof, Fred, McTominay, Mata, Lingard, Van de Beek

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.