Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Aston Villa vs Liverpool – Alisson Iyo Mane Oo Gabi Ahaanba Maqan & Cida Boosaskooda Buuxisay

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa booqanaysa gegida Villa Park iyagoo u tagaya kooxda Aston Villa oo xilli ciyaareedkan u muuqata mid aad uga wanaagsan heerkeedii doorkii hore.

Villa iyo Liverpool ayaa labaduba kamida saddex kooxood oo aan ilaa hadda wax dhibco ah lumin horyaalka, Reds ayaa dhammaan saddexdii kulan ee ay ciyaareen soo adkaaday halka ay Aston Villa soo guuleysatay laba kulan oo ay dheeshay.

Liverpool ayay kulankan ka maqan yihiin goolhaye Alisson Becker oo tababarka ku dhaawacmay iyo Sadio Mane oo caabuqa Korona laga helay waxaana boosaskooda ciyaaraya Adrian iyo saxeexa cusub ee Diogo Jota.

Kabtanka Reds ee Jordan Henderson ayaa keydka kusoo baxay isaga oo dhaawac kasoo laabtay iyadoo Keita uu markale khadka dhexe kula midaysan yahay Wijnaldum iyo Fabinho.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Liverpool: Adrian, Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Wijnaldum, Keita, Salah, Firmino, Jota.

Keydka: Kelleher, Milner, Henderson, Jones, Minamino, Origi, Williams.

Aston Villa: Martinez, Cash, Konsa, Mings, Targett, Luiz, McGinn, Barkley, Grealish, Trezeguet, Watkins.

Keydka: Steer, Hourihane, Traore, Nakamba, El Ghazi, El Mohamady, Davis

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.