Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Arsenal vs Sheffield United – Mikel Arteta Oo Xiddig Weyn Keydka U Dhaadhiciyay

Kooxda uu hoggaanka u yahay tababare Mikel Arteta ayaa la kulmaysa dhigeeda uu horkacayo Chris Wilder ee Sheffield United, labada kooxood ayaa kulankan imanaya iyaga oo leh hammi kala duwan balse labaduba saddexda dhibcood u socda.

Sheffield oo xilli ciyaareedkii hore afar dhibcood ka qaadatay Gunners ayaan hadda ugu yaraan hal bar-bardhac xataa gelin oo dhammaan laga soo adkaaday saddex kulan oo ay kasoo ciyaareen xilli ciyaareedkan.

Dhinaca kale Arsenal ayaa doonaysa guul ay kaga soo kabato kulankeedii ugu dambeeyay ee Premier League oo ay fashil kala soo kulmeen kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool.

Tababare Mikel Arteta ayaa keydka dhigay Alexandre Lacazette isaga oo kasoo hormariyay da’yarka Eddie Nketiah, si lamid ah Granit Xhaka oo ay kasoo hormareen Dani Ceballos iyo Elneny.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Sheffield United: Ramsdle, Baldock, Egan, Basham, Robinson, Stevens, Osborn, Berge, Lundstram, Burke, McGoldrick

Keydka: Foderingham, Fleck, McBurnie, Sharp, Lowe, Norwood, Ampadu

Arsenal: Leno, Gabriel, Luiz, Tierney, Bellerin, Ceballos, Elneny, Saka, Willian, Aubameyang, Nketiah

Keydka: Runarsson, Lacazette, Maitland-Niles, Holding, Pepe, Willock, Xhaka

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.