Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Arsenal vs Liverpool – Arteta Oo Kaydka Dhigay Aubameyang & Klopp Oo Shax Adag La Kusoo Bilaabay

Arsenal waxay garoonkeeda Emirates Stadium ku qaabilaysaa Liverpool, waxaanay u baahan tahay inay ka hesho guul ay hore ugu socon karto si ay boosas uga raadsadaan kaalmaha hore ee Europa League.

Gunnes oo guul-darro 2-1 ah kasoo gaadhay ciyaartii ay usbuucan ku waajahday Tottenham, waxay fadhidaa kaalinta sagaalaad ee  horyaalka Premier League, laakiin guulo ay ka gaadhaan kulankan iyo labada ciyaarood ee xiga, waxay fursad kaga raadsan karaan illaa kaalinta lixaad haddii ay khasaare la kulmaan Tottenham, Burnley Sheffield United iyo Wolves oo dhamaantood lix dhibcood kala soocaan.

Laakiin Liverpool oo horyaalka ku guuleysatay ayaa waxay dagaalkeeda ugu weyn yahay inay saddex guulood ka helaan laga bilaabo ciyaartan Arsenal iyo labada kulan ee hadhay si ay u dhaafaan rikoodhkii Man City ay ku qaadday koobka.

Reds oo haysata 93 dhibcood, waxay guul ay ka keenaan Emirates ku tegi doonaan 96 dhibcood, waxaana markaas kaddib ay raadin doonaan laba guulood oo kale si ay dhibcaha uga dhigtaan 102, laakiin labada ciyaarood ee kale ayaa iyaguna ah kuwo adag oo ay Chelsea iyo Newcastle la kala ciyaari doonto.

Mikel Arteta ayaa kaydka dhigay weeraryahanka reer Gabon ee Aubameyang, waxaanu kusoo bilaabay Lacazette oo uu ku ladhay Saka iyo Nelson.

Shaxda Arsenal waxa kale oo ka maqan Dani Ceballos, Mustafi, Bellrin, Kolasinac iyo Willock oo dhamaantood kaydka ku jira.

David Luiz ayay difaaca ka caawinayaan Holding oo kasoo laabtay dhaawac.

Tababare Jurgen Klopp ayaa dhinaciisa lasoo shir tegay shaxdiisa ugu adag, waxaanu soo qaddimay saddexlaydiisa weerarka ee Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane, halka dhexdana ay Wijnaldum, Fabinho iyo Chamberlain is garab taagan yihiin.

Difaaca ayaanay waxba iska beddelin, waxaana Virgil van Dijk wehelinaya Gomez, Robertson iyo Alexander-Arnold.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood:

Arsenal: Martinez, Holding, David Luiz, Soares, Torreira, Xhaka, Tierney, Pepe, Lacazette, Saka, Nelson

Kaydka: Macey, Bellerin, Sokratis, Ceballos, Aubameyang, Maitland-Niles, Willock, Mustafi, Kolasinac

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson, Wijnaldum, Fabinho, Oxlade-Chamberlain, Salah, Firmino, Mane

Kaydka: Adrian, Lovren, Keita, Minamino, Shaqiri, Origi, Jones, Elliott, Williams

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.