Shaxda Rasmiga Ah Ee Finalka FA Cup Ee Arsenal vs Chelsea – Ayay Arteta Iyo Lampard Ku Soo Bilaabeen Kulankaan Adag?

Waa maalin kale oo geli doonta taariikhda iyadoo tababare Mikel Arteta iyo Frank Lampard uu finalka FA Cup xusuusin doono wax badan.

Labada nin ayaa Arsenal iyo Chelsea la soo qaaday Koobka FA Cup mudadii ay garoomada ku jireen, waxayna maanta u tartamayaan inay koobka hantaan iyagoo tababare u kala ah labada kooxood.

Arsenal iyo Chelsea ayaa finalka FA Cup isku arkay sannadkii 2017 iyadoo Gunners ay qaaday markaas, waxaana la filanayaa maanta in kulan xusuus qor ah uu dhexmaro labada kooxood.

SHAXDA RASMIGA AH:

Arsenal ma qabto wax dhaawacyo cusub ah, waxaa ka maqan daafaca Shkodran Mustafi kaasoo qaliin lagu sameeyay ka dib dhaawacii ka soo gaaray semi-finalkii FA Cup ee ay ka badiyeen Manchester City.

Cedric Soares ma ciyaari karo kulankaan madaama uu FA Cup u soo ciyaaray Southampton, halka ay weli dhaawacyo ku maqan yihiin Pablo Mari, Gabriel Martinelli iyo Calum Chambers.

Goolhaye Bernd Leno ayaa ka soo kabsaday dhaawaca jilibka ah laakiin xitaa kursiga keydka ka fadhiyo, waxaa lagu soo bilaabay goolhayaha Emilliano Martinez oo wacdarro dhigayay intii uu maqnaa Leno.

Mesut Ozil ayaa sida caadiga aheyd gabi ahaanba ka maqan kooxda.

Dhanka Chelsea waxaa ka maqan oo kulankaas seegaya Ruben Loftus-Cheek ka dib dhaawac ku soo gaaray tababarka Khamiistii. N’Golo Kante ayaa taam u noqday kulankaan¬† laakiin waxa uu fadhiyaa kursiga keydka halka Willian uu weli maqan yahay.

Caballero ayaa goolka ku soo bilowday iyadoo Kepa uu kursiga keydka fadhiyo.

Arsenal XI: Martinez; Holding, David Luiz, Tierney; Bellerin, Ceballos, Xhaka, Niles; Pepe, Lacazette, Aubameyang.

Keyd: Macey, Sokratis, Kolasinac, Torreira, Smith, Willock, Nelson, Saka, Nketiah.

Chelsea XI: Caballero, James, Rudiger, Zouma, Azpilicueta, Alonso, Jorginho, Kovacic, Mount, Pulisic, Giroud

Keyd: Kepa, Christensen, Kante, Barkley, Abraham, Pedro, Hudson-Odoi, Tomori, Emerson

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.