Shaxda Rasmiga Ah Ee Bayern Munich Vs PSG-Ayay Labada Tababare Ku Soo Bilaabeen Finalka UCL Ee Aduunka Oo Dhan Laga Sugayo?

Indhaha kubbada cagta aduunka ayaa caawa si toos ah ugu soo wada jeeda magaalada Lisbon ee dalka Portugal halkaas oo ay ka dhacayso ciyaarta kama danbaysta ah ee finalka tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Kooxaha Bayern Munich iyo PSG ayaa ah labada kooxood ee uu caawa dhex yaalo koobka Champions League oo ay 32 kooxood ku soo tartameen waxaana caawa koobka loo gacan galin doonaa kooxda gacanta sare yeelata.

Image

Koobka UEFA Champions League ayaa haddaba la soo dhigay garoonka Estádio do Sport Lisboa oo ay ka dhacayso ciyaarta kooxaha Bayern Munich iyo PSG waxaana koobka si rasmi ah caawa looga soo wareejinayaa Liverpool oo muddo sanad ka badan soo haysatay.

Bayern Munich waxay caawa doonaysaa in ay soo barbarayso rekoodhka koobabka Champions League ee Liverpool iyaga oo isha ku haya in ay markoodii 6 aad koobkan ku guulaystaan laakiin PSG waxay nafta u horaysaa in ay markii ugu horaysa ku guulaystaan koobka dhegaha wayn.

Jamaahiirta kooxda PSG ayaa si waali ah iskugu soo baxay magaalada Paris waxayna shidayaan walxo olol iyo qiiq magaalada ku qariyay iyada oo ay jabiyeen dhamaan tilmaamihii caafimaad ee ka hor taga caabuqa karoonaha.

Weerarka PSG waxaa hogaaminaya Neymar Jr iyo Kylian Mbappe oo caawin ka heli doona Angel Di Maria waxaana khadka dhexe ku soo wada baxay Herrera, Marquinhos iyo Paredes iyada oo difaaca ay ku soo wada bilawdeen Kehrer, Thiago Silva, Kimpembe iyo Bernat waxaana goolka PSG ku soo laabtay khabiirka Champions League ee Kylor Navas.

Dhinaca Bayern Munich waxaa kulankan si lama filaan ah ugu soo bilawday Coman oo kulamadii la soo dhaafay kadyka fadhiyay laakiin waxaa weerarka Bayern Munich sidoo kale ku jira Robert Lewandoski, Gnabry iyo Thomas Muller oo isku xidhi doona weerarka iyo khadka dhexe.

Qaabka ay labada kooxood ku soo shir tageen ayaa ah qaab weerar layaableh waxaana haddaba la sii filan karaa in goolal badan lagu kala guulaysan karo.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Bayern Munich Vs PSG

Paris Saint-Germain: Navas – Kehrer, T.Silva, Kimpembe, Bernat – Herrera, Marquinhos, Paredes – Di Maria, Neymar, Mbappé.

Bayern Munich: Neuer – Kimmich, Boateng, Alaba, Davies – Goretzka, Thiago – Gnabry, Müller, Coman – Lewandowski.

Keyd: Ulreich, Hoffmann – Odriozola, Süle, Pavard, Martínez, Coutinho, Cuisance, Perišić, Hernández, Tolisso en Zirkzee.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.