Shaxda Rasmiga Ah Ee Bayern Munich Vs Lyon Iyo Xidigaha Ku Soo Bilawday Kulankan Loogu Soo Baxayo Finalka UCL

Kooxaha Bayern Munich iyo Lyon ayaa caawa isku arka kulanka labaad ee semi-finalka Champions League ee ka dhacaya magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Labadaan kooxood waxaa finalka ku sugeysa kooxda Paris Saint-Germain oo markii ugu horeysay xalay u soo baxday finalka ka dib markii ay 3-0 ku soo xaaqeen kooxda Jarmalka ee RB Leipzig.

Bayern ayaa kulankaan ciyaareysa ka dib markii ay 8-2 ku xasuuqeen Barcelona kulankii wareega sideed dhamaadka halka Lyon ay wareega 8da ku soo dileen kooxda Manchester City

Tababaraha Bayern Munich ayaan wax isbedel ah ku sameynin shaxdii uu ku xasuuqay Barcelona kulankii wareega sideeda ee Champions League iyadoo ay ku soo bilowdeen 11kii xiddig ee ceebeeyay kooxda Blaugrana.

Weerarka waxaa hogaaminaya xiddiga ugu goolasha badan Champions League xilli ciyaareedkan ee Lewandowski, waxaana gadaal ka soo caawinaya xiddigii wacdaraha dhigay kulankii Bayern Munich ee Thomas Muller kaasoo ay ka garab ciyaarayaan Serge Gnabry iyo Perisic.

Booska burburiyaha khadka dhexe waxaa ku soo bilowday Thiago Alcantra iyo Goreztka, halka daafaca garbaha ay ka ciyaarayaan xiddigaha nafta u keenay Barcelona ee Kimmich iyo Alphonso Davies iyadoo daafac dhexe ay ka dheelayaan Alaba iyo Boateng. Goolkana waxaa sidii caadiga aheyd ugu jira Neuer.

Bayern Munich: Neuer – Kimmich, Boateng, Alaba, Davies – Thiago, Goreztka – Gnabry, Müller, Perisic – Lewandowski.

Lyon: Lopes – Dubois, Denayer, Marcelo, Marçal, Cornet – Caqueret, Guimarães, Aouar – Toko-Ekambi, Depay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.