Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona vs Napoli – Ayuu Setien Ku Soo Bilaabay Kulanka Adag Ee Uu Shaqadiisa Ku Waayi Karo Caawa?

Barcelona ayaa wajaheysa kulan u ah midkii ugu muhiimsanaa ee ciyaaraan in muddo ah iyadoo mustaqbalka tababare Quique Setien uu miiska saaran yahay caawa.

Waxay garoonka Camp Nou caawa ku martiqaadayaan kooxda Napoli lugta labaad ee wareega 16ka Champions League iyadoo lugtii hore ee ka dhacday San Paolo ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah.

13 sannadood ka hor ayaa ugu danbeysay Barcelona inay ku harto wareega 16ka Champions League iyadoo Liverpool ay markaas ku reebtay sannadkii 2007.

Laakiin haddii ay caawa ku baxaan gacmaha Napoli waxaa hubaal noqoneysa in tababare Setien la ceyrin doono halka ay kooxda oo dhaqaale u baahan ay waayi doonto ugu badnaan 43 milyan euro oo ay ka heli laheyd Champions League.

Barcelona waxaa caawa ka maqan Arturo Vidal iyo Sergio Busquets oo labaduba ganaax ah halka Arthur Melo oo laga iibiyay Juventus balse weli kooxda ka tirsan uu diiday inuu ciyaaro.

Antoine Griezmann ayaa ka soo laabtay dhaawacii uu ku maqnaa isagoo lagu soo bilaabay shaxda, wuxuu ka garab ciyaarayaa Lionel Messi iyo Suarez.

Khadka dhexe waxaa ku soo bilowday Sergi Roberto iyadoo keyd la dhigay Ricard Puig, wuxuuna ka garab dheelayaa De Jong iyo Rakitic.

SHAXDA RASMIGA AH:

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Jordi Alba; Sergi Roberto, Rakitic, De Jong; Messi, Suarez, Griezmann

Keyd: Neto, Inaki Pena, Junior Firpo, Ricard Puig, Fati, Ronald Araujo, Monchu, Mingueza, De La Fuente, Reis, Orellana,

Napoli: Ospina; Di Lorenzo, Manolas, Koulibaly, Mario Rui; Fabian Ruiz, Demme, Zielinski; Callejon, Mertens, Insigne

Keyd: Meret, Karnezis, Allan, Llorente, Lozano, Elmas, Luperto, Maksimovic, Politano, Hysaj, Lobotka, Milik

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.