Shaxda PSG Ay Dunida Ku Qabsan Doonto Haddii Uu Cristiano Ronaldo Ku Biiro & Xiddigaha Aanad Rumaysan Karin Ee Midoobaya

Paris Saint-Germain ayaa u dheg-taagaysa waxa kasoo cusboonaada kooxda Juventus oo la sheegayo in ay suurtogal tahay inay fasaxdo weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaas oo laba sannadood oo uu joogay Turin ka caawin kari waayey ujeeddadii ay ula soo saxeexdeen oo ahaa inuu la qaado Champions League.

Tababaraha cusub ee Juventus ee Andrea Pirlo ayaa doonaya inuu isbeddel ku sameeyo kooxdiisa kaddib caydhintii Mauricio Sarri oo lagu eedeeyey in aanu sidii habboonayd iskugu dubba-ridin xiddigaha kooxda oo ay meel hore kaga hadheen tartanka Champions League oo muhiimaddooda koowaad ahaa, sidoo kalena Italian Super Cup iyo Italian Cup, iyagoo kaliya ku guuleystay Serie A.

PSG oo hore usii haysatay xiddigaha dunida ugu fiican qaarkood ayaa usbuucii hore la sheegay inuu la kulmay wakiilka Cristiano Ronaldo, isla markaana ay ka wada xaajoodeen sidii uu laacibka reer Portugal xagaagan u tegi lahaa.

Haddii ay PSG u suurtogasho inay Cristiano Ronaldo la wareegto, waxay yeelan doonaan weerarka ugu halista badan dunida, isaga oo ka garab ciyaari doona labada laacib ee ugu qaalisan kubadda cagta ee Neymar iyo Kylian Mbappe.

Inkasta oo Lionel Messi isagana mugdi galay mustaqbalkiisa Barcelona oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo ay ku jiraan PSG iyo Juventus, haddana waxay u muuqataa in Ronaldo uu uga dhow yahay inuu ku biiro kooxda reer France marka loo eego laacibka ay xafiiltamaan ee Messi.

Juventus ayaa la sheegay inay si buuxda faraha uga qaadayso Cristiano Ronaldo, waliba ay ku farxayso haddii ay ku hesho £54 milyan oo Gini oo lagaga iibsado, laba sannadood kaddib markii ay £100 milyan oo Gini kaga soo qaadatay Real Madrid.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sida ay noqon doonto shaxda ay adag tahay in la iska dhiciyo ee PSG ay dunida ku qabsan karto, waxaana kaliya xiddigaha ay hadda haystaan kusoo siyaadaya Ronaldo oo u istaagaya weerarka tooska ah, garbihiisana ay joogayaan Neymar iyo Mbpape.

Shaxda suurtogalka ah ee PSG ay ku ciyaari doonto:

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.