Shaxda Lama Filaanka!! Saxeexyadii Aan Cidina Ku Fikirin Inay Gudaha Suuqan Dhacayaan Oo Shax Laga Sameeyay & Haddii Kooxdaadu Boos Ku Yeelatay

Suuqa kala iibsiga qaarada Yurub ee sanadka 2020 gaar ahaan midka xagaaga ayaa xalay si rasmi ah usoo xidhmay, suuqan ayaa ahaa mid layaab leh iyadoo xanuunka Korona uu saamayn dhinaca dhaqaalaha ah sameeyay.

Kooxaha qaar ayaa ahaa kuwo aan u joojin saamayntaasi dhaqaale waxaana tusaalaha ugu fiican ah kooxda Chelsea oo toddoba saxeex oo kooxda koowaad ah samaysay iyagoo bixiyay in ka badan lacag £230 Milyan.

Choupo-Moting is now at Bayern Munich

Laakiin Chelsea ayaan ahayn kooxda kaliya ee suuqa kaga yaabsatay jamaahiirta kubadda cagta waxaana tusaale kala ah kooxda ay London kasoo wada jeedaan ee Arsenal oo saacadihii ugu dambeeyay la wareegay Thomas Partey.

Si kastaba, shabakadda France Football ayaa samaysay shaxda lama filaanka ah ee ay ka samaysay saxeexyadii suuqan ka qabsoomay.

Xiddigaha ugu magaca weyn ee laga xusi karo shaxdan ayuu kamid yahay weeraryahankii Barcelona ee Luis Suarez kaas oo si amakaag leh ugu wareegay dhinaca kooxda uu Barca xifaaltanka tooska ahi ka dhaxeeyo ee Atletico Madrid.

Xiddigaha kale ayaa ah Blaise Matuidi iyo Gonzalo Higuain oo kawada baxay kooxda sagaalka jeer ee xidhiidhka ah kusoo guuleysatay horyaalka Serie A iyagoo si wadajir ah ugu biiray kooxda cusub ee ree Maraykan ee Inter Miami oo uu halyeey David Beckham leeyahay.

Halkan Ka Akhriso Shaxda Oo Dhammaystiran

Goolhaye: Runar Alex Runarsson | Dijon to Arsenal

:Daafac Garab: Achraf Hakimi | Real Madrid to Inter Milan

Daafac Dhexe: Wesley Fofana | Saint-Etienne to Leicester

Daafac Dhexe: Diego Godin | Inter Milan to Cagliari

Daafac Garab: Bouna Sarr | Marseille to Bayern Munich

Khad Dhexe: Allan | Napoli to Everton

Khad Dhexe: Blaise Matuidi | Juventus to Inter Miami

Khad Dhexe: Baptiste Santamaria | Angers to Freiburg

Weeraryahan: Luis Suarez | Barcelona to Atletico Madrid

Weeraryahan: Gonzalo Higuain | Juventus to Inter Miami

Weeraryahan: Eric Maxim Choupo-Moting | PSG to Bayern Munich

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.