Shaxda Kooxda Da’yarta Ee Xili Ciyaareedkan Ugu Fiicnayd Horyaalka La Liga Oo Ay UEFA Soo Saartay.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray shaxda kooxda da’yarta ee xili ciyaareedkan ugu fiicnayd horyaalka La Liga waana xidigo aan markii uu xili ciyaareedku bilawday wax fursad ah oo ay isku muujinayaan loo saadaalinayn.

Waxaa jira xidigo da’yar ah oo xili ciyaareedkan isku soo muujiyay kooxo badan gaar ahaan Real Madrid iyo Barcelona inkasta oo ay hadda noqdeen kuwo mustaqbal wayn ku yeelan doona xili ciyaareedka cusub.

Da’yarka kooxda Barcelona ee Ansu Fati oo xili ciyaareed layaableh soo qaatay ayaa shaxda kooxda da’yarta ugu fiicnayd xili ciyaareedkan horyaalka La Liga waxa uu kula soo baxay Valverde oo si lama filaan ah qayb wayn uga soo ciyaaray guushii Madrid ee koobka La Liga.

Ansu Fati oo 17 sano jir kaliya ah ayaa xili ciyaareedkan waxa uu fursadii ugu horaysay ka helay kooxda kowaad ee Real Madrid waqti ay Messi iyo Suarez dhaawac ku maqnaayeen, laakiin saamayntii lama filaanka ahayd ee uu sameeyay ayaa keentay in laga soo dalacsiiyay Barca B.

Fati ayaa 7 gool oo horyaalka La Liga ah soo dhaliyay waxayna taasi ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu da’da yaraa ee taariikhda horyaalka La Liga ugu saamaynta badnaa.

Waxa kale oo shaxdan ka soo muuqday xidiga Real Madrid amaahda guulaysatay kaga maqan ee Martin Odegaard kaas oo kooxda Real Sociedad ku soo qaatay xili ciyaareed sabab ugu noqonaya in uu qayb ka noqon doono shaxda Zidane ee xili ciyaareedka cusub.

Shaxda kooxda da’yarta ee xili ciyaareedkan jabiyay kooxaha kowaad ee horyaalka La Liga waxaa ku jira da’yarka kooxda Real Madrid amaahda kaga maqan ee Takefusa Kubo kaas oo si cajiib ah iskugu soo muujiyay kooxda Real Mallorca.

Shaxda Kooxda da’yarta eexili ciyaareedkan ugu fiican La Liga ee ay UEFA soo saartay

Goolhaye Unai Simón (Athletic Club)

Difaacyada: Víctor Díaz (Granada), Domingos Duarte (Granada), Jules Koundé (Sevilla), Pervis Estupiñan (Osasuna)

Khadka dhexe: Fede Valverde (Real Madrid), Martin Odegaard (Real Sociedad), Takefusa Kubo (Mallorca)

Weerarka: Ansu Fati (Barcelona), Lucas Ocampos (Sevilla), Carlos Fernández (Granada).

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.