SHARAXAAD: Hugo Lloris Oo Sharaxay Sababtii Dagaalka Ka Dhex Dhalisay Isaga & Son Heung-Min Oo Dhawaan Tababar Milatari Soo Qaatay

Kabtanka kooxda Tottenham ahna goolhayaha kooxdaas ee Hugo Lloris ayaa sharaxaad ka bixiyay isku dhacii xalay dhex maray isaga iyo weeraryahanka kooxdiisa ee Son Heung-Min wakhtigii nasashada ee kulankii ay 1-0 ka kaga adkaadeen Everton.

Waxa xaday bandhigii kulankaas ee hadal haynta badan dhaliyay ayaa ahayd inay in goolhaye Lloris uu ka daba orday Sonny xilligii nasashada loo baxayay iyadoo uu soo kala dhex galay xiddiga kooxdaas ee Lo Celso.

Son And Lloris

Tababaraha Spurs ee Jose Mourinho oo kulanka kaddib wax laga weydiiyay isku dhaca xiddigaha kooxdiisa ayaa sheegay inay tahay arrin qurux badan oo wanaagsan.

Kabtan Lloris oo kulanka kaddib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inaysan wax weyni ka dhex jirin isaga iyo xiddiga ree South Korea ee dhawaan tababarka Milatari soo qaatay balse uu ka cadhooday inuusan Son cadaadis samayn fursad lagu helayay kooxdooda.

Lloris ayaa yidhi “Wixii naga dhex dhacay aniga iyo Sonny waa qayb kamida kubadda cagta mark-marka qaar, wax dhibaato ahi ma jirto gabi ahaanba”

“In fursad lagugu helo il-bidhiqsiyo kahor wakhtiga nasashada sababtoo ah umaynaan samayn cadaadiska si sax ah…taas ayaa iga cadhaysiisay aniga, laakiin waa qayb kamid ah kubadda cagta, dhibaato maaha, waanu ka soconaynaa”

Guushaas ayaa ka dhignayd in Tottenham ay timid booska siddeedaad ee miiska kala sarreynta Premier League isla markaana ay sagaal dhibcood u jiraan booska Champions League loogu soo baxo ee Afraad.

Tottenham ayaa kaliya hal dhibic ka dambaysa kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Arsenal, arrinta xiisaha leh ayaa ah in Spurs iyo Gunners ay Axada kulan leeyihiin kaddib marka ay ciyaaraan kulamadooda caawa iyo habeen dambe.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.