Shanta Ciyaartoy Ee Maalinta Xili Ciyaareedka Premier League Ugu Danbaysa Ku Kala Guulaysanaya Kabta Dahabka Ah Iyo Fursada Ay Kala Haystaan.

Ugu dhawaan waxaa lagu kala guulaystay abaal marinaha shaqsiga ah ee kubbada cagta England marka loo tixgaliyo xogta ciyaartoyda laakiin wax walba way isbadali karaan marka ay noqoto kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League marka la ciyaari kulanka ugu danbeeya ee xili ciyaareedkan.

Wali waxaa suurtogal ah in shan ciyaartoy oo kala fursad badani ay maalinta xili ciyaareedka Premeir League ugu danbaysa ay ku kala guulaysan doonaan kabta dahabka ah ee gool dhalinta horyaalka Ingiriiska.

Shantan ciyaartoy ayaa ah kuwo ay wali suurtogal u noqon karto in mid kastaaba uu sidiisa ugu guulaysan karo ama ay qaar ka mid ah wadaagi karaan kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League.

Xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxaa kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premeir League si wada jir ah ugu wada guulaystay Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Aubameyang laakiin wali laba ka mid ah ayaa tartanka qayb ka ah.

Jamie Vardy waa xidiga ilaa hadda hogaaminaya kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League wuxuuna kulanka Man United ee xili ciyaareedka ugu danbeeya uu King Power Stadium ku haystaa in uu kabta dahabka ah si rasmi ah ugu xaqiijisan karo.

Vardy waxa uu haystaa 23 gool laakiin waxa uu laba gool oo kaliya dheer yahay xidiga layaabka dhigaya ee Danny Ings wuxuuna xidigii hore ee Liverpool dhaliyay 21 gool oo Premier league ah isaga oo haddii aanu Vardy goolal dhalin balse uu laba isagu dhaliyo kabtan kula guulaysan doona.

Aubamayeng ayaa u baahan in uu saddex gool dhaliyo si uu Vardy u soo qabto waana kaliya haddii aanu Vardy goolal kale dhalin isla markaana aanu Danny Ings gool dhalintiisa sii wadan.

Mohamed Salah iyo Reheem Sterling ayaa ah labada xidig ee ugu fursada liita shantan ciyaartoy waxayna u baahan yihiin in ay min afar gool dhaliyaan kulamada xili ciyaareedka ugu danbeeya laakiin waxaa ku sii xidhan shuruud ah in ciyaartoyda ka horeeyaa ayna goolal dhalin gaar ahaan Vardy iyo Ings.

Shanta Ciyaartoy Ee Ugu Sareeya Gool Dhalinta premeir League ka hor kulamada xili ciyaareedka lagu soo xidhayo.

Jamie Vardy – Leicester City – 23 Gool

Danny Ings – Southampton – 21 Gool

Pierre-Emerick Aubameyang – Arsenal – 20 Gool

Mohamed Salah – Liverpool – 19 Gool

Raheem Sterling – Manchester City – 19 Gool

Waxaa lays waydiinayaa haddii xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league ay ku wada guulaysan doonaan laba ciyaartoy ama ka badan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.