Saxeexa Ugu Horreeya Ee Koeman Samaynayo, Man City Oo U Dhaqaaqday Koulibaly, United Oo Jawaab Kale Ka Heshay Sancho & Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Suuqa Iibka

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Salaasa ah:

Manchester City ayaa dardar gelinaysa xiisihii ay u qabtay difaaca xulka qaranka Senegal iyo kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly oo 29jir ah, kaddib markii ay si xun uga hadheen tartanka Champions League. (Talksport)

Guddoomiyaha Fulinta kooxda Borussia Dortmund ee Hans-Joachim Watzke ayaa ku adkaystay in aanay kooxdiisa saarnayn wax  cadaadis ah oo ku qasbaya in Manchester United ay ka iibiyaan xiddogooda Jadon Sancho oo 20 jir ah, inkasta oo xisaab-xidhkooda sannadka ay ka muuqatay £39.8 milyan oo Gini oo khasaare ah. (Manchester Evening News)

Liverpool, Manchester City, Chelsea, Manchester United, Tottenham iyo Leicester ayaa dhamaantood raadinaya difaaca kooxda Brighton ee Ben White oo 22 jir ah, oo bandhig cajiib ah sameeyey sannadkii u dambeeyey oo uu amaah ugu maqnaa Leeds Uhnited. (Sun)

Arsenal waxay ka shaqaynaysaa diyaarinta warqadda heshiis rasmi ah oo saddex sannadood ah oo uu qandaraaskiisa ku kordhinayo Pierre-Emerick Aubameyang oo usbuucii qaadan doona £250,000 Gini.

Manchester United waxay xiisaynaysaa 29 jirka reer Brazil ee garabka weerarka uga ciyaara Juventus ee Douglas Costa, iyadoo ay Old Lady doonayso inay iibiso ciyaartooyo uu ku jiro. (Sky Sports)

Liverpool waxay filaysaa inay Bayern Munich si rasmi ah ugala soo wareegi doonto kubbad-sameeyaha reer Spain ee Thiago Alcantara, laakiin waxay kooxda reer Germany u sheegtay Reds, inay bixiyaan £27.2 milyan oo Gini haddii ay doonayaan 29 jirkan. (Guardian.

Wolves waxay iska diidday dalab uga yimid Juventus oo ahaa in Aaron Ramsey iyo lacag kaash ah ay qaadato, dhinaca kalena uu tago weeraryahanka reer Mexico ee Raul Gimenez oo 29 jir ah. (clwb pel-Droed)

Juventus waxa kale oo ay xiisaynaysaa weeraryahanka xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette oo 29 jir ah. (Sky Sports)

Kooxda reer Portugal ee Benfica ayaa kala wareegtay Leeds United hoggaanka tartanka loogu jiro weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani oo ah 33 jir si bilaash ah lagula saxeexan karayo. (Goal)

Barcelona waxay ka fiirsanaysaa inay iibiso weeraryahanka 33 jirka ah ee reer Uruguay ee Luis Suarez, iyadoo ay bilaabayso inay iska nadiifiso xiddigaha gaboobay, waxaana doonaysa kooxdiisii hore ee Ajax. (Talksport)

Manchester City waxay cusboonaysiin karaysaa qodobkii ku jiray heshiiskii ay Aston Villa kaga iibisay kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Douglas Luiz, waana 22 jir u ciyaara Aston Villa. (Manchester Evening News)

Leeds United waa inay bixiso £20 milyan oo Gini haddii ay doonayso inay la saxeexato weeraryahanka Chelsea ee Michy Batshuayi oo 26 jir ah. (Star)

Da’yarka Chelsea ee Ethan Empadu oo amaah ugu maqnaa RB Leipzig xili ciyaareedkii hore, ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto Blues, waxaanu rumaysan yahay in 19 jirkan difaaca reer Wales uu fursad ka heli doono Lampard (Goal)

Everton ayaa weydiisay Watford haddii ay ka iibin karayaan khadkooda dhexe ee ABdoulaye Doucoure. 27 jirkan ayaa qiimihiisa lagu sheegay £30 milyan oo Gini, waana inay Everton diyaariso haddii ay si dhab ah u doonayaan. (Mail)

Chelsea waxa loo sheegay inay bixiyaan £90 milyan oo Gini haddii ay doonayaan inay la saxeexdaan kubbad-sameeyaha reer Germany ee Kai Havertz oo ah 21 jir halbowle u ah Bayer Leverkusen. (Star)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.