Sawirro: Liverpool Oo Markii Ugu Horeysay Kor U Qaaday Koobka Premier League, Klopp & Xiddigaha Liverpool Oo Taariikhda Kooxda Galay

Liverpool ayaa kor u qaaday markii ugu horeysay abid koobka Premier League, waana markii ugu horeysay muddo 30 sannadood ah oo ay kor u qaadaan koobka horyaalka Ingariiska.

Waa koobkii 19aad ee horyaalka Ingariiska ee ay ku guuleysatay kooxda Reds iyagoo ah kooxda labaad ee ugu guulaha badan horyaalka waxaa kaliya ka sareysa Man United oo ku guuleysatay 20 jeer.

Inkastoo garoonka Anfield uu albaabada u xirnaa caawa sababo la xiriira Karona Fayras hadana waxaa garoonka loo ogolaaday qoysaska ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda si ay ugu dabaaldegaan koobka.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii seddexaad ee isku xiga ku dhameysatay iyadoo aan looga badinin garoonka Anfield.

Waxay koobka horyaalka ku qaadeen guul weyn oo ay ka gaareen kooxda Chelsea iyagoo uga badiyay 5-3.

Kabtan Jordan Henderson oo dhaawac ahaa ayaa dhamaadkii ciyaarta lagu wareejiyay koobka horyaalka Premier League isagoo ka gudoomay halyeeyga kooxda Liverpool Kenny Dalglish.

Taageerayaasha Liverpool ayaa dabaaldegyo waa weyn ka wada banaanka garoonka Anfield iyo faras magaalaha magaalada iyagoo buleer badan ridaya iyo qiic casaan ah.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.