SAWIRO: Waa Qasri Ku Yaal Samada Sare! Qaybaha Layaabka Leh Ee Ay Diyaarada Mulkiile Roman Abramovich Ka Koobantay Oo Amakaag Leh.

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa ah mulkiilaha labaad ee ugu hantida badan horyaalka Premier league waxaana ka horeeya oo kaliya mulkiilayaasha kooxda Manchester City.

Roman Abramovich ayaa leh diyaarad cajiib ah oo lagu qeexay qasri samada ku yaal taas oo ah Boeing 767-33A ER waxaana lagu naanaysaa “The Bandit” waxayna diyaaradani ku qiimaysan tahay 66 milyan gini.

Laakiin qaybaha ay diyaarada khaaska ah ee mulkiile Roman Abramovich  ka kooban tahay ayaa noqotay arin cajiib ah waana sababta loo tilmaamay qasri samada sare ku yaal oo kale.

Haddaba maxay ka kooban tahay diyaarada Roman Abramovich  ee qasriga lagu tilmaamay?

Diyaarada Abramovich ee Boeing 767-33A ER waxay leedahay qayb xafladaha iyo shirarka lagu qabsan karo oo qaadkeedu yahay 30 qof halkaas oo waliba si cajiib ahu qalabaysan oo lagu tilmaami karo meel heer caalami ah.

Halkan hoose ka eeg sawirka cajiibka ah ee qaybta hoolka diyaarada Abramovich ee Boeing 767-33A ER.

 Abramovich's most lavish is his Boeing 767-33A ER that has a banquet hall for 30 guests

Qayb kale oo cajiib ah oo ay diyaarada Boeing 767-33A ER ee Abramovich leedahay waa qayb hurdo waxayna leedahay laba qol ama room oo hurdo ah kuwaas oo iyaguna si qurux badan loo qalabeeyay.

Sawirka mid ka mid ah hurdooyinka diyaaraada Boeing 767-33A ER ayaa halkan hoose kaaga muuqda.

 The master bedroom boasts a double bed

Qayb kale oo ay ka kooban tahay diyaarada layaabka leh ee  Roman Abramovich ee Boeing 767-33A ER ayaa ah goobta cunto diyaarinta ama kitchen-ka oo heer sare ah kaas oo si layaableh loo diyaariyay.

Sawirka Qabta Kitchenka ee diyaarada Boeing 767-33A ER ayaad halkan ka arki kartaa.

 A luxury kitchen can be found on board the private jet

Inta aynaan qaybaha kale u sii gudbin waxaa jira arin layaableh oo ay leedahay diyaarada Abramovic ee Boeing 767-33A ER oo ay kala mid tahay diyaaradaha milatariga iyo kuwa madax waynayaasha aduunka ugu awooda badan.

Hanaanka amaanka diyaarada Roman Abramovich ayaa la mid ah kan diyaaradaha milatariga iyo kuwa uu ku safro madax waynaha Maraykanka Donald Trump marka uu safarada caalamiga ah u baxayo.

 Abramovich loves travelling in style

Sidaa daraadeed, waxaa diyaarada Roman Abramovich lagu tilmaamay kuwa ugu amaanka badan aduunka waxayna qiimo ahaan ku kacday in amaanka diyaaradan la diyaariyo lacag dhan 1.5 milyan gini waxaana lagu sameeyay hanaankeeda amaanka hanaan amaan oo ka hor tagi kara gantaalada lagu waxyeeleeyo diyaaradaha.

 Abramovich has spent around £1.5m making the private jet as secure as Air Force One

Maadaama oo ay diyaaradani raaxo ahaan iyo amaan ahaanba u tahay mid heerkeedu aad u sareeyo waxaa loo nashqadeeyay qaab haddii lagu soo gano gantaal in ay iska difaaci karto oo ay iska leexin karto.

Amaanka diyaarada Roman Abramovich ayaa la barbar dhigay in ay la mid tahay kuwa uu madax wayne Donald Trump ku safro taas oo muujinaysa heerka mulkilaha Chelsea ee Abramovich uu diyaaradan gaadhsiiyay.

 Interiors are chestnut wood and gold trim

Qaybaha kale ee ay diyaadani ka kooban tahay waxaa ka mid ah xafiis heer sare ah oo uu Roman Abramovich isla markaana uu dadka kula kulmi karo.

Waxay sidoo kale leedahay qaybihii safarka loogu tallo galay iyo qaybo badan oo ay la dheeraad tahay, laakiin diyaaradan ayaan ahayn mida kaliya ee uu leeyahay Roman Abramovich.

 The Boeing 737-700 worth £60m

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa sidoo kale leh laba diyaaradood oo kala ah Boeings – a 767-300 oo qiimaheedu yahay 55 milyan gini iyo mid kale oo ah a 767-700 oo ku qiimaysan 60 milyan gini.

 Abramovich also owns a Boeing 767-300 plane worth £55m

Inkasta oo ay labada diyaaradood ee aan soo sheegnay leeyihiin qolal shirar, hurdooyin iyo xafiiyo haddana uma casri sana sida diyaarada khaaska ah ee  Boeing 767-33A ER taas oo uu Abramovich ka dhigay qasri samada sare ku yaal oo u amaan badan sida diyaaradaha madax waynayaasha aduunka ugu saamaynta badan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

  1. الدنيا جنة كافر وسجن المؤمن Dhalanteedka beenta ah lagu waari
    maayo haddii wadkiisu yimaadana amni iyo
    waxaas mashaqeenayaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.