SAWIRO: Waa Kuwan 10 Kii Sawir Ee Ugu Saamaynta Badnaa Guushii Bayern Munich Ee Champions League Iyo Qalbi Jabkii PSG.

Kooxda Bayern Munich ayaa markii lixaad xalay ku guulaystay koobka ugu xiisaha badan kubbada cagta heerka kooxaha ee UEFA Champions League kadib markii ay koobkan ku garaacday kooxda uu dhaqaalaha badani ku baxay ee PSG.

Bayern Munich waxay soo qaadatay xili ciyaareed layaableh waxayna ku guulaysteen saddexda koob oo uu ugu muhiimsan yahay Champions League.

Caadiyan marka ay kooxi ku guulaysato koobka Champions League waxaa shaqo badan qabta sawir qaadayaasha iyo warbaahinta oo muuqaalo tartanka lagu xusuusto ka qaada.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa 10 sawir ee ugu saamaynta badnaa ee dabaal degii Bayern Munich ee Champions League iyo murugadii PSG halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

1- Qoritaankii magaca Bayern Munich ee koobka Champions League lagu xar dhayay.

Bayern Munich

2- David Alaba oo stage-ka heerka kubbada cagta ugu sareeya aduunka ku xusuusiyay in wali nolosha dadka madow ay qiimo leedahay isaga oo koobka Champions League ku hor jilbo joogsaday.

David Alaba sent the world a message

3- Qalbi Jabkii Neymar Jr iyo Murugada uu ka qaadayo kooxdiisa Paris Saint-Germain

Neymar could not score against Bayern Munich

4- Tababare Hansi Flick Oo Xili Ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Bayern Munich sare u qaadaya koobkiisii saddexaad ee xili ciyaareedkan oo Champions League ah.

Hansi Flick is a brilliant tactician

5- Thiago Alcantara Oo Kulankiisii ugu danbeeyay ee Bayern Munich kula guulaystay koobkiisii ugu horeeyay ee Champions League si uu ugu macasaleemeeyo Bavaria.

Image

6- Mustaqbalka Thomas Tuchel iyo Neymar Jr ee PSG oo ay calaamad su’aal dul saaran tahay.

Thomas Tuchel has exceeded expectations this season

7-Robert Lewandowski Oo 15 gool oo Champions League ah ugu dabaal degay koobka Champions League iyo nasiib xumadiisa in Ballon d’Or la kansalay.

Robert Lewandowski has been exceptional this season

8-Thiago Silva oo Kulankiisii ugu danbeeyay ee PSG si qalbi jab ah ku macasaleemeeyay kooxda uu nafta u soo huray.

Thiago Silva is leaving Paris Saint-Germain

9-Kylian Mbappe Oo Guuldaradii ugu waynayd ee ee final koob muhiim ah la kulmay iyo waayihiisa ciyaareed oo wali u saamaxaya in uu fursado kale oo Champions League ah heli doono.

Kylian Mbappe failed to win the Champions League

10- Bayern Munich oo markii labaad u dabaal degtay saddexda koob ee hal xili ciyaareed.

Bayern Munich is the best team in the world

Intaas oo kaliya kuma koobna sawiradii xusuusta lahaa ee dabaal degii Bayern Munich ee Champions League iyo murugadii PSG balse waxaa loo calaamadiyay kuwii ugu saamaynta badnaa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.