SAWIRO: Real Mdadrid & Barcelona Oo Soo Bandhigay Garmaantooda Xili Ciyaareedka Cusub Ee 2020/2021.

Kooxaha horyaalka La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa si rasmi ah u soo bandhigay garamaanta xili ciyaareedka cusub ee 2020/2021 ay ku ciyaari doonaan.

Kooxaha ayaa xili ciyaareed kastaba soo bandhiga garamaanta ama maaliyada cusub ee gurigooda iyo martida ee horyaalka iyo Champions league waxayna Real Madrid soo bandhigtay laba nooc oo marti iyo minan ah.

Laakiin Barcelona ayaa shaacisay nashqada cusub ee garamaanta kooxdeeda ee kulamada martida ah iyada oo haddaba ay taageerayaashu daroonkooda fikir ka dhiibanayaan.

Ciyaartoyda kala ah Lionel Messi, Antoine Griezmann, Gerard Pique, Frenkie De Jong iyo ciyaartoy kale oo ka tirsan kooxaha dumarka iyo da’yarka Barcelona ayaa dhamaantood ka soo muuqday bandhigii garamaanta cusub ee martida ay ugu ciyaari doonaan xili ciyaareedka cusub.

Dhinaca Real Madrid waxaa sawiradii ugu horeeyay ee garamaanteeda cusub ee martida iyo minanka ku soo baxay Karim Benzema oo xili ciyaareedkan ahaa ciyaartoyga ugu saamaynta badnaa.

Real Madrid waxay haddaba isku diyaarinaysaa kulanka adag ee Manchester City laakiin taasi kamay joojin in ay soo bandhigto maaliyada cusub ee kooxdeedu xili ciyaareedka cusub ku ciyaari doonto.

Halkan hoose kaga bogo sawirada garamaanta cusub ee Real Madrid iyo Barcelona:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Garmaanta madowga ah ee ay Barcelona soo bandhigtay ayaa noqonaya kuwa ay ciyaartoyda kooxdeedu xidhan doonaan kulamada martida ay yihiin.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.