Harry Maguire Oo Maxkamad Lagu Soo Taagayo Giriigga Oo Lagu Xidhay Isaga Iyo Laba Qof Oo Kale

Kabtanka Manchester United ee Harry Maguire ayaa xalay lagu xidhay Jasiiradda Mykonos ee waddanka Giriiga oo uu fasax ku tegay toddobaadkan badhtamihiisii markii ay kooxdiisu wareegga semi-finalka kaga hadhay tartanka Euorpa League.

Maguire oo ay la socdaan xaaskiisa iyo asxaabtiisa ayaa u saftay jasiiradda Mykonos maadaama waddamada ay tegayaan ay kooban yihiin kaddib xayiraadda socdaalka ee dawladda UK ay kusoo rogtay waddamo badan oo dunida ah, si loo yareeyo faafista caabuqa Korona.

Waddanka Giriiga ayaan ku jirin dalalka UK ay gelinayso karantiil 14 maalmood ah dadka ka yimaadda, waxaana sababtaas darteed uu Maguire u calmaday inuu u safro waddankan si uu ugu soo raaxaysto labada toddobaad ee uu fasaxa yahay.

Laakiin dhibaato ayaa uu dhexda ka galay markii ay dibedda u baxeen Jimcihii Maguire, xaaskiisa iyo asxaabtiisu, waxaanu laacibkani la dagaallamay waxna ku dhuftay sarkaal ka tirsan booliska.

George Georgiopoulos iyo Lefteris Papadimas oo wakaaladda wararka Reuters u jooga waddanka Giriigga ayaa xidhiidh la sameeyey ciidamada booliska Giriiga, kuwaas oo u sheegay sababta lagu xidhay kabtanka Manchester United.

Boolisku waxay sheegeen in Maguire uu aflagaaddooyin u geystay ciidamada booliska gaar ahaan sarkaal uu markii dambena gacanta u qaaday oo uu wax ku dhuftay.

Ciidamada boolisku waxay caddeeyeen in Maguire oo kaliya aanay xidhin, hase yeeshee ay wehelinayaan laba qof oo kale oo iyaguna qayb ka ah fal-dambiyeedka dhacay.

“Ciyaartoyga kubadda cagtu wuxuu handadaad aflagaadooyin ah u geystay sarkaal, kaddibna wuu garaacay.” Ayuu yidhi sarkaal ka tirsan booliska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sarkaalkani yidhi: “Saddexdooduba way is difaacayeen markii la keenay saldhigga booliska Mykonos.”

Manchester United oo dhinaceeda ka hadashay arrintan ayaa sheegtay in kabtan Harry Maguire uu la shaqaynayo ciidamada booliska Giriigga.

“Kooxdu way ogtahay in Maguire uu ku lug yeeshay fal ka dhacay Mykonos xalay. Xidhiidho ayaanu la samaynay Harry, waxaanu si buuxda ula shaqaynayaa masuuliyiinta Giriiga. Waqtigan faahfaahin intaa ka badan ma bixinayno.” Ayay Manchester United ku tidhi war-saxaafadeed ay soo saartay.

Dhinaca kale, sarkaalka booliska ee u hadlay Giriiga waxa uu caddeeyey inay isku dhaafinayaan jasiiradda u dhow ee Syros, halkaas oo ay ka bilaabmi doonto dacwadda kiiska ay galeen.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.