SAMIR & IIMAAN: Robert Lewandowski Oo Lagu Garaacay Kabta Dahabka Ah & Cristiano Ronaldo Oo Quus Taagan – Waa Kuma Laacibka Sannadkan Ka Yaabiyey Xiddigaha Waaweyn?

Tartanka Kabta Dahabka ah ee Yurub ayaa lagu garaacay xiddiga kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo xalay si buuxda uga samray, kaddib markii uu Ciro Immobile dhaliyey goolkiisii 35aad ee xili ciyaareedka, isla markaana hal gool ka sare maray.

Lewandowski ayaa muddo dheer soo hoggaaminayay tartanka Kabta dahabka ah isaga oo horyaalka Bundesliga ka dhaliyey 34 gool, laakiin weeraryahanka Lazio ee Ciro Immobile oo qaybtii hore ee xili ciyaareedka si fiican usoo shaqaystay ayaa sii watay loollanka uu ugu jiro kabta dahabka ah, waxaanu goolkiisii 35aad dhaliyey kulankii ay xalay Lazio 2-0 ku garaacay Brescia.

Cristiano Ronaldo oo ah ciyaartoyga kaaliya ee Ciro Immobile kula tartamaya abaal-marintan ayay rajadiisu xumaatay markii uu ku fashilmay inuu shabaqa soo taabto ciyaartii Arbacadii kooxdiisa guul-darrada xun kasoo gaadhay.

Ronaldo ayaa garoonka Sardegna Arena kala baxay niyad jab markii ay kooxda yar ee Cagliari ku garaacday 2-0, isla markaana uu xiddiga reer Portugal awoodi kari waayey inuu dhaliyo gool ka caawiya inuu ku dhowaado Immobile oo ay shabaqa saaxiib noqdeen.

Cristiano ayaa waxa uu dhaliyey 31 gool, waxaanu afar gool ka dambeeyaa Immobile, halka uu saddex goolna ka hooseeyo Lewandowski, taas oo caddaynaysa sida ay ugu adag tahay inuu kabta dahabka ah hunguri ka galo maadaama hal ciyaar oo kali ah ay ka hadhsan tahay horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Taariikh

Immobile ayaa u dhow inuu jabiyo rikoodhka taariikhiga ah ee gool-dhalinta horyaalka Serie A, isla markaana noqdo laacibkii goolasha ugu badan hal xili ciyaareed gudihii ka dhaliya, waxaanu kaliya u baahan yahay hal gool si uu usoo qabto rikoodhkaas oo uu xili ciyaareedkii 2016/17 meel ku qortay weeraryahanka Gonzalo Higuain oo xilligaas oo uu u ciyaarayay Napoli dhaliyey 36 gool.

Ma jiro ciyaartoy taariikhda horyaalka Serie A ka dhaliyey wax ka badan 36 gool marka laga reebo Higuain oo rikoodhkaasi meel u yaallo, laakiin Immobile oo laba gool dhaliya kulanka ugu dambeeya horyaalka ee toddobaadka dambe ayaa dhaafi karaya.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.