SAFARKII NOLOSHA Ee Cadaabta Illaa Jannada!!! Maxaad Kala Socotaa Nolosha Midabbada Badan Ee Uu Soo Maray Casemiro ?

January 2013 ayuu kasoo degay garoonka diyaaraha, waxaanu si toos ah u tegay Santiago Bernabeu oo lagu soo dhoweeyey, laakiin fursad kamaanu helayn kooxda koowaad.

Warbixin uu ka qoray wargeyska Marca oo cinwaan looga dhigay: “Safarkii Nolosha ee Cadaabta illaa Janada”, waxa lagu qaadaa-dhigay qaabkii ay Real Madrid kula soo wareegtay heerarkii uu soo maray iyo sidii ay saluugga uga qabtay kooxdiisii hore ee Sao Paulo oo markii dambe isku qoomamaysay lacagtii jabnayd ee ay ku iibisay.

Casemiro oo Real Madrid ay kasoo iibsatay kooxda reer Brazil ee Sao Paulo, waxa bilowgiiba loo diray kooxda heerka labaad ee Real Madrid Castilla.

Laacibkan oo markaas ay da’diisu noqotay 20 jir, waxa uu Real Madrid ku joogay qiime dhan lix milyan oo kaliya, waxaana loo dejiyey qorshe uu xirfaddiisa ku kobciyo, iyadoo loo diray FC Porto oo uu amaah ugu soo ciyaaray ka hor intii aan dib loo soo celin.

Sababta u fududaysay in Real Madrid ay lacagtan jaban ku hesho waxay ahayd in dad badan oo ka tirsan kooxda Sao Paulo ay saluugsanaayeen bandhigga iyo waxtarka Casemiro, laakiin waxay dabinta qaniineen markii ay arkeen wacdaraha uu dhigayo, gaar ahaan kulan xili ciyaareedkii 2014/15 ay FC Porto oo uu amaah ku joogay la ciyaartay Borussia Dortmund.

Dhamaadkii xili ciyaareedkaas ayay Real Madrid dib usoo ceshatay, waxaanu markiiba helay boos joogto ah inkasta oo uu bilowgii Rafa Benitez saluug yar ka muujinayey, laakiin Zinedine Zidane ayaa markii uu la wareegay badhtamihii xili ciyaareedkaas, waxa uu Casemiro noqday rukun dhexdaadka kooxda ee la’aantii aanay dhaqaaqin.

Laga soo bilaabo waqtigaas, waxa uu Casemiro noqday mid ku guuleystay quluubta taageereyaasha, tababareyaasha iyo ciyaartoyda kaleba, maalinta uu dhaawac ama ganaax ku maqan yahayna laga sii warwaro cidda booskiisa ka ciyaaraysa.

Hadda da’diisu waa 8 sannadood, waxaanu haystaa 14 koob oo uu kula guuleystay Los Blancos, waxaana ka mid ah afar Champions League, saddex Club World Cup, laba LaLiga Santander iyo Copa del Rey.

Ugu dambayn, noloshii adkayd ee uu soo maray xilligii carruurnimadiisa waxay ku dambaysay barwaaqo, farxad iyo isaga oo helay magac, maamuus iyo lacag intaba.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.