SADDEXDII Xiddig Ee Arsenal Sababta Ugu Noqday Guusha FA Cup, AFARTII Ciyaartoy Ee Khasaaraha U Keenay Chelsea Iyo Qiimaynta Kulankii Gunners & Blues

Arsenal waxay ku guuleysatay koobkii 14aad ee FA Cup ah, waxaanay kasii durugtay naadiga kusoo xiga dhinaca guulaha koobkan ee Manchester United oo 12 koob haysata.

Guul ay Arsenal ka gaadhay Chelsea oo ay finalka FA Cup isku haleeleen garoonka qaranka ee Wembley, waxa bandhig layaab leh ka sameeyey Pierre-Emerick Aubameyang oo laba gool u dhaliyey.

Chelsea ayaa gool la barmartay ciyaarta, waxaana farxad siiyey daqiiqaddii shanaad xiddiga reer Maraykan ee Christian Pulisic oo Mason Mount iyo Olivier Giroud ay kubbado isku soo dhiibeen, isla markaana goolhaye Martinez oo isasoo daadiyey dhinaca kale ka dhigay.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa daqiiqaddii 28aad helay rikoodhe uu u beddelay gool, kaddib markii uu kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta qalad ku galay xerada ganaaxa dhexdeeda. Rikoodhan oo laga soo hubiyey VAR, waxa si xarrago leh u dhaliyey Aubameyang.

Laakiin Cesar Azpilicueta ayaa inyar kaddib qaladka uu galay ee sababta u noqday in kooxdiisa laga dhaliyo goolka, waxa uu ku baxay dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.

Qaybtii labaad ayuu mar kale Aubameyang u dhaliyey Arsenal goolka labaad ee guusha koobka ku hoggaamiyey, waxaanay Arsenal ku dabbaal-degay farxadda koobka FA Cup ee ay ku guuleysteen iyo iyagoo boos ka helay tartanka Europa League ee xili ciyaareedka dambe.

Xiddigii garoonka iyo labadii ciyaartoy ee kale ee Arsenal guusha u horseeday

Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo labada gool u dhaliyey Arsenal, waxay kooxdiisu uga mahad-celinaysaa guusha koobkan, sababtoo ah, kulankii semi-finalka ee Manchester City ay 2-0 kusoo garaaceenna, isaga ayaa labada goolba soo dhaliyey.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka, isla markaana helay qiimayntii ugu sarraysay oo ahayd darajada 9, laakiin waxa garab siiyey laba ciyaartoy oo kale oo sabab ugu noqday Arsenal guusha koobka.

Dani Ceballos oo shaqo layaab leh ka qabtay khadka dhexe iyo Maintland-Niles ayaa ahaa labada ciyaartoy ee kale ee soo raacay Pierre-Emerick Aubameyang.

Labadan ciyaartoy ayaa noqday laacibiinta bandhigga ugu wanaagsan garoonka ku muujiyey, waxaana ka horreeyey Pierre-Emerick Aubameyang oo kaliya, waxaanay labadan ciyaartoy heleen min 8 darajada qiimaynta kulanka.

Afartii Ciyaartoy ee fashilka ahaa ee guul-darrada u horseeday Chelsea

Cesar Azpilicueta oo rikoodhe galay inyar kaddibna ku baxay dhaawac iyo Mateo Kovacic oo kaadh cas la siiyey qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa noqday labada ciyaartoy ee ugu liitay garoonka, isla markaana dhabarka loo saarayo guul-darrada Chelsea.

Labadan ciyaartoy waxay qiimayntii kulanka ka heleen darajada ugu hoosaysay oo ah 4, waxaana soo raacay laba laacib oo kale oo khasaaraha Chelsea qaybtooda ka qaatay, waxaanay ahaayeen Olivier Giroud iyo Rudiguer oo min 5 ka helay qiimayntii kulanka.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Arsenal: Martinez (7), Holding (7), Luiz (7), Tierney (6), Bellerin (7), Xhaka (7), Ceballos (8), Maitland-Niles (8), Pepe (7), Lacazette (7), Aubameyang (9).

Beddelka: Sokratis (n/a), Kolasinac (n/a), Nketiah (n/a).

Chelsea: Caballero (6), James (6), Azpilicueta (4), Zouma (5), Rudiger (5), Alonso (6), Jorginho (6), Kovacic (4), Mount (6), Giroud (5), Pulisic (7).

Beddelka: Christensen (5), Pedro (5), Barkley (5), Hudson-Odoi (5), Abraham (5).

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.