Saadaashii Pep Guardiola Ee Manchester City & Liverpool Midkooda Horyaalka Ku Guuleysanaya Oo Qalad Noqotay

Kaddib kulankii maalintii furitaanka ee Wolves, Pep Guardiola waxa laga waayey qosolkii iyo dhoolacaddayntii markii la weydiiyey saadaasha cidda ay la tahay inay horyaalka ku guuleysan doonto.

‘Waxa jira 114 dhibcood oo loo ciyaarayo sidii loo heli lahaa, haddana waxa noo hadhay 111 dhibcood.” Ayuu yidhi dhamaadka waraysi uu ku bixiyey garoonka Molineux oo ay kooxdiisu guul weyn kusoo gaadhay.

Laakiin maalintaas ayaa ugu dambaysay wax guul ah, labadii ciyaarood ee xigtayna waxay kooxdiisu lumisay shan dhibcood, taas oo ka dhigan inay siddeed dhibcood ka hooseeyaan kooxda hoggaanka haysa ee Everton oo dhamaan soo wada badisay ciyaaraheedii.

Siddeed dhibcood oo ay ka dambayso Everton iyo shan dhibcood oo ay Liverpool kasii hoosayso, waxay Manchester City uga dhigan tahay inay aad uga hoosayso heerkii ay filaysay inay horyaalka xili ciyaareedkan ku jiri doonto, waxaanay dhibco badan ku lumiyeen kulamadii furitaanka.

Pep Guardiola ayaa dhamaadka xili ciyaareedkii hore saadaaliyey kooxda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, waxaanu sheegay inay tahay naadiga ugu yaraan la yimaadda 90 dhibcood 38ka kulan ee xili ciyaareedku ka kooban tahay, taas oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ay City iyo Liverpool la imanayeen.

Sida uu qoray wargeyska MEN, Manchester City waxay durba ka hoos maraysaa heerkii saadaasha uu bixiyey Pep Guardiola iyagoo dhibco badan luminaya xilli aan laga filayn oo horyaalkuba bilow yahay, laakiin sidaas oo kale Liverpool ayaa guul-darro weyn oo 7-2 ah ay kasoo gaadhay Aston Villa, sidaana ku lumisay saddex dhibcood.

Manchester United, Chelsea, Everton iyo Arsenal ayaa iyaguna dhamaantood dhibco lumiyey.

Hoos u dhacan oo loo nisbaynayo waqtigii fasaxa ciyaartoyda oo yaraa, tababar badan oo aan la qaadanin iyo xanuunka Korona Fayras ee ka hor joogsaday inay is-diyaarin badan sameeyaan, sidoo kalena garoomadu sii madhan yihiin, ayaa waxa Manchester City ay halis ugu jirtaa inay hoos uga dhacdo dhibcihii ay Liverpool horyaalka ku qaadday xili ciyaareedkii hore oo ahaa 99 dhibcood, waxaana kaliya ka xiga inay halkaas ka hoos marto afar guul-darro oo kale oo inta xili ciyaareedka ka hadhsan ay la kulmaan.

Si kastaba, wargeyska MEN waxa uu sheegay in durba ay been noqotay saadaashii Pep Guardiola ee kooxda horyaalka ku guuleysanaysa oo naadigiisu uu ka baxayo saaxadda haddii ay sidan kusii jiraan, iyadoo ay waliba Sabtida na la ciyaari doonaan Arsenal oo si wanaagsan u hubaysan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.