SAADAASHA SUUQA: Waa Kuwan Xidigaha Ay 14ka Kooxood Ee Yurub Ugu Waa Wayn Mid Kastaaba La Soo Saxiixan Kartaa-Ayaa Kooxdaada Ugu Jira?

Kooxaha Yurub ayaa dareenkooda ku soo jeediyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaaga waxaana la filayaa in uu noqon doono xili suuq gabi ahaanba ka duwan sanadihii la soo dhaafay maadaama oo ay kooxuhu la dhibtoonayay dhaqaale xumo ka soo gaadhay fayraska karoonaha.

Haddaba qiimayn la sameeyay ayaa lagu saadaaliyay koox kasta oo wayn ciyaartoyga ugu suurtogalsan ee ay ugu yaraan xagaagan la soo wareegi doonaan waxaana ku jira xidigo magac waa wayn oo saamayn badan yeelan kara.

Qiimayntani waa mid ku salaysan wararka suuqa kala iibsiga ee ilaa hadda la hayo iyo waliba xidhiidho ay kooxaha waa wayni ku doonayaan in ay ciyaartoydan kula soo wareegaan.

Arintani lama micno aha in ay xidigahani yihiin kuwa kaliya ee ay kooxahani la soo wareegi doonaan balse waa qiimayn muujinaysa in ay noqon karaan ugu yaraan saxiixyada ay samayn karaan balse way ka badan karaan.

Aan ku bilawnee xidig ugu suurtogalsan ee ay Arsenal xagaagan la soo wareegi kartaa waa Dani Ceballos oo haddaba kooxda amaah ku jooga waxayna Gunners diyaar u tahay in ay heshiiskiisa amaahda ah ka dhigi karto mid rasmi ah ama ay amaahdiisa kordhin karto.

Chelsea xidig ugu suurtogalsan in ay la soo wareegi doontaa waa goolhayaha kooxda Ajax ee Andre Onana kadib markii uu Kepa noqday mid aan rajo lahayn isla markaana la xaqiijiyay in uu haddaba ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay ee Blues. Kepa ayaan xataa safan doonin finalka FA Cupka ee Arsenal.

Liverpool oo ciyaartoy badan lala xidhiidhinayo ayaa la saadaaliyay in Memphis Depay uu noqon doono xidiga ugu suurtogalsan ee ay la soo wareegi doonaan inkasta oo Thiago Alcantara uu yahay mid kale oo suurtogal wayn ay tahay in ay Reds la soo saxiixan doonto.

Kooxda xaalku ku xun yahay ee Barcelona waxaa la saadaaliyay in ugu yaraan uu Lautaro Martinez noqon doono xidiga ugu suurtogalsan ee ay xagaagan la soo saxiixan doonaan.

Man City waxaa loo saadaaliyay in Kalidou Koulibaly uu noqon doono xidiga ugu suurtogalsan ee ay awooda iskugu gayn doonaan halka kooxda ay dariska yihiin ee Man United xidiga ugu suurtogalsan ee ay la soo wareegi doonaan laga dhigay Jadon Sancho.

Real Madrid xidiga ugu suurtogalsan ee ay xagaagan la soo saxiixan doonaan waxaa lagu qiimeeyay Eduardo Camavinga kaas oo u ciyaara kooxda reer France ee Rennes.

Haddaba halkan kaga bogo ciyaartoy ay koox kasta oo wayni la soo saxiixan karto xagaagan.

1-Arsenal: Dani Ceballos, khadka dhexe, Real Madrid

2-Atletico Madrid: Edinson Cavani, Gool dhaliye, si xor ah ayaa lagu heli karaa

3-Barcelona: Lautaro Martinez, Gool dhaliye, Inter Milan

4-Bayern Munich: Sergino Dest, Difaac midig, Ajax

5-Borussia Dortmund: Moussa Diaby, Garabka weerarka, Bayer Leverkusen

6-Chelsea: Andre Onana, Goolhaye, Ajax

7-Inter Milan: Ramy Bensebaini, Garabka midig, Borussia Monchengladbach

8-Juventus: Sandro Tonali, Burburiye, Brescia

9-Liverpool: Memphis Depay, Gool Dhaliye, Lyon

10-Manchester City: Kalidou Koulibaly, Difaac Dhexe, Napoli

11-Manchester United: Jadon Sancho, Gool Dhaliye, Borussia Dortmund

12-Paris Saint-Germain: Nelson Semedo, Difaac midig, Barcelona

13-Real Madrid: Eduardo Camavinga, Burburiye, Rennes

14-Tottenham Hotspur: Timothy Castagne, Difaac midig/difaac bidix, Atalanta

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.