SAADAASHA Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier League, Man City vs Arsenal Oo Uu Fadeexad Ku Saadaaliyay & Aragtidiisa Everton vs Liverpool

Khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson ahna ciyaaryahankii hore ee kooxda Liverpool ayaa sidii looga bartay dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League oo usbuucan ay jiraan tobban kulan oo laba kamid ahi khaas yihiin.

Labada kulan ee isha lagu hayn doono ayaa ah midka furitaanka Usbuuca ee Merseyside Derby ee ay Liverpool booqanayso kooxda hoggaanka haysa ee Everton halka midka labaad uu yahay ciyaarta ay Arsenal u tagayso Man City.

Aan ku bilawnee khabiir Mark Lawrenson ayaa ismari waa ku saadaaliyay kulanka adag ee Everton vs Liverpool isaga oo aaminsan in kooxaha Carlo Ancelotti iyo Jurgen Klopp ay dhibcaha kala qaybsan doonaan.

Lawrenson ayaa guul kale u saadaaliyay Chelsea oo kulankii ugu dambeeyay qaab xarrago leh u jiidhay Southampton, khabiirka ayaa qaba inay meel iska saari doonaan Southampton oo soo booqanaysa Sabtida.

Kaddib fadeexad kasoo gaadhay kulankii ugu dambeeyay ee ay Tottenham la yeesheen, Mark Lawrenson ayaa inay wadada guulaha kusoo noqoto u saadaaliyay Manchester United waxaana uu aaminsan yahay inay kasoo adkaan doonaan Newcastle United.

Kulanka ugu amakaaga badan ayaa ah inuu Lawro fadeexad buuxda dhex dhigay Man City iyo Pep Guardiola, Lawrenson ayaa aaminsan in kooxda dhaawacyadu dishoodeen ee Pep ay natiijo kale oo ceeb ah kala kulmi doonto Arsenal iyo waliba ardaygiisii Mikel Arteta.

Saadaasha Lawrenson Oo Dhammaystiran

Everton 1-1 Liverpool

Chelsea 2-1 Southampton

Man City 2-5 Arsenal

Newcastle United 1-2 Man United

Sheffield United 2-0 Fulham

Crystal Palace 1-1 Brighton

Tottenham 2-1 West Ham United

Leicester City 2-0 Aston Villa

West Bromwich Albion 0-1 Burnley

Leeds 2-1 Wolves

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

9 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.