Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada Usbuucada 4aad Ee Premier League – Muxuu Ku Saadaaliyey Man Utd v Spurs, Arsenal v Sheff Utd, Leeds v Man City & Chelsea v C. Palace?

Khabiirka ciyaaraha ee Mark Lawrenson ayaa shaaciyey saadaashiisa kulamada usbuuca afraad ee horyaalka Premier Leauge oo ay ku ballansan yihiin kooxo adag, kuwaas oo natiijadooda kasoo baxda kulamadoodu ay saamayn ku yeelanayso kaalmaha hore, sidoo kalena ay macallimiinta qaarkood halis geli doonto shaqadoodu haddii ay khasaare soo hooyaan.

Chelsea oo dhibaatooyin ku dhex-jirta ayaa waxay garoonkeeda kusoo dhoweyn doontaa Crystal Palace duhurnimada Sabtida, waxaanu kulankani qaabayn doonaa sida ay u ekaan doonto Blues, iyadoo guul-darro soo gaadha ay halis gelin doonto shaqada tababare Frank Lampard oo durba laga dayrinayo.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool oo madaxu kasii xanuunayo guul-darradii kasoo gaadhay Carabao Cup ee ay Arsenal kaga reebtay Khamiistii ayaa waxay marti u noqon doontaa Aston Villa oo waqti wanaagsan ku jirta, waxaana tababare Jurgen Klopp uu ka raadin doontaa guushiisii afraad oo xidhiidh ah xili ciyaareedkan.

Laakiin Manchester United oo gebi-dhaclaynaysa ayaa waxay mari doontaa imtixaan adag, waxaanay Old Trafford ku qaabbili doontaan Jose Mourinho iyo kooxdiisa Tottenham, waxaanay ciyaartani tahay kulanka ugu adag ee usbuucan, taas oo waliba kusoo beegantay xilli Red Devils la saluugayo isku-xidhnaantooda iyo sidii ay kulamadii hore ahayd ciyaarteedu.

Kooxda xamaasadda badan ee Leeds United oo laba ciyaarood soo guuleysatay, midna ay Liverpool ka adkaatay ayaa waxay qaabbili doontaa Man City oo guul-darro soo gaadhay ciyaarteedii ugu dambaysay dambeysay horyaalka oo Leicester City ay kusoo xasuuqday 5-2.

Tababare Mikel Arteta oo ku jira jawi raaxaysi ah oo uu labadii kulan ee horyaalka Premier League ee hore guulo soo hooyey, laakiin ay Liverpool ka badisay ciyaartii saddexaad, ayaa waxa uu Klopp kaga aargoostay Carabao Cup oo uu Khamiistii ku reebay, kooxdiisuna iska xaadirisay wareegga siddeed-dhamaadka, waxaana Axadda ay Gunners ku qaabbili doontaa Emirates Stadium kooxda Sheffield United.

Khabiirka Mark Lawrenson oo kulamadan saadaaliyey ayaa waxa uu u bushaareeyey inta badan kooxaha waaweyn, balse kulanka adag ee Jose Mourinho ku laabanayo kooxdiisii hore ayuu u sheegay in aanu waxba niyadda sii gashanin farxad, laakiin uu lasoo kulmi doono khasaare oo ay Man United saddexda dhibcood heli doonto.

Saadaasha Mark Lawrenson ee kulamada afraad ee Premier League oo dhamaystiran

Sabtida

Chelsea 2-0 Crytal Palace

Everton 2-0 Brighton

Leeds 1-2 Man CIty

Newcastle 2-1 Burnley

Axadda

Leicester 2-0 West Ham

Southampton 2-0 West Brom

Arsenal 2-0 Sheffield United

Wolves 2-0 Fulham

Man United 2-1 Tottenham

Aston Villa 0-2 Liverpool.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.