Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada 36aad Ee Horyaalka Premier League – Leicester, Liverpool Iyo Arsenal Oo Uu Guul Uga Dhaartay

Khabiirka kubadda cagta Mark Lawrenson ayaa soo saaray saadaashiisa kulamada usbuuc dhamaadkan, waxaana uu guul u diiday kooxda Leicester City oo kaalinta afraad ee horyaalka Premier League ku jirta, taas oo haddii ay dhabowdo fursad weyn u ah Manchester United oo booska kala bixi doonta.

Ciyaarta ugu weyn toddobaadkan, waxa ku ballansan Liverpool iyo Arsenal, waana mid ay Gunners u baahan yihiin guul kaddib guul-darradii Tottenham ay kalasoo kulumeen Axaddii.

Tababare Mikel Arteta oo kulamada kooban ee u hadhay hamigiisu yahay inay kaalinta lixaad soo galaan si ay tartanka Europa League ee xili ciyaareedka dambe uga qayb-geli karaan, ayaa waxa uu ka hor tegayaa Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu mar horeba ku guuleysatay horyaalka Premier League.

Khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson ayaa kulanka Liverpool iyo Arsenal ku saadaaliyey inuu ku soo dhamaan doono barbarro 1-1 ah, taas oo haddii ay dhacdo qalbi jab ku noqonaysa Gunners oo waayi doonta fursad ay ugu tartanto Europa League xili ciyaareedka dambe.

Chelsea oo Salaasada marti gelinaysa Norwich ayaa kusoo laaban doonta jidka guusha kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee Sheffield United, waxaanay 3-0 ku karbaashi doontaa naadiga  u dhaadhacay heerka labaad, sida uu khabiirku saadaaliyey.

Manchester City oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey min 5-0 kusoo badisay ayaa qaabilaysa Bournemouth oo ka yaabsatay Leicester City, kuna soo dhufatay 4-1, waxaanay markanna Citizens heli doontaa guul kale oo weyn, taas oo ay waliba u dheer tahay in maxkamadda CAS ay u ogolaatay inay Champions League ka qayb-galaan iyadoo xukunkii UEFA kaga joojisay meeshha laga saaray.

Manchester United oo marti u noqon doonta Crystal Palace khamiista ayaa sii wadan doonta rikoodhka guul-darro la’aanta, waxaanay lasoo laaban doontaa guul weyn oo 2-0 ah, sida uu khabiirku saadaaliyey.

Saadaasha khabiirka Mark Lawrenson oo dhamaystiran

Salaasa

Chelsea 3-0 Norwich City

Arbaca

Burnley 0-2 Wolves

Man City 4-0 Bournemouth

Newcastle 0-2 Tottenham

Arsenal 1-1 Liverpool

Khamiista

Everton 2-0 Aston Villa

Leicester City 1-1 Sheffield United

Crystal Palace 0-2 Manchester United

Southampton 2-0 Brighton

Jimce

West Ham 2-1 Watford

Haddaba akhriste, adiguna saadaali kulamadan xaasaasiga ah ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kuna dhaaf farriintaada halka hoose ee Comment-ka loogu talo-galay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

  1. Chelsea 4-0 Norwich City

    Arbaca

    Burnley 1-1 Wolves

    Man City 4-0 Bournemouth

    Newcastle 1-2 Tottenham

    Arsenal 1-2 Liverpool

    Khamiista

    Everton 1-1 Aston Villa

    Leicester City 2-1 Sheffield United

    Crystal Palace 1-1 Manchester United

    Southampton 2-0 Brighton

    Jimce

    West Ham 0-1 Watford

  2. Chelsea 1-0 Norwich City

    Arbaca

    Burnley 2-2 Wolves

    Man City1-0 Bournemouth

    Newcastle 1-2 Tottenham

    Arsenal 1-2 Liverpool

    Khamiista

    Everton 1-0 Aston Villa

    Leicester City 2-1 Sheffield United

    Crystal Palace 1-2Manchester United

    Southampton 0-1 Brighton

    Jimce

    West Ham 1-1 Watford

Leave a Reply

Your email address will not be published.