SAADAAL: Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Everton vs Liverpool – Midkee Ayuu Guusha Siiyay Ancelotti Iyo Klopp?

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa dhiibtay saadaasha kulanka ay Sabtida kooxdiisii hore booqan doonto gegida Goodison Park oo ay kulanka Merseyside Derby kula ciyaarayaan kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Everton.

Everton ayaa kulanka soo galaysa iyadoo qaab ciyaareed cajiib ah kusoo jirtay kaddib markii ay soo guuleysteen dhammaan afartii kulan ee ay horyaalka ka ciyaareen iyo dhammaan toddobadkii kulan ee ay tartamada oo dhan ka ciyaareen.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa qaybta buluuga ah ee gobolka Merseyside ka dhigay kuwo ku riyoonaya xilli ciyaareed guul ah kaddib markii ay saxeexyada cusub ee Allan, James Rodriguez iyo Doucoure ay dhammaan wacdarro dhigeen,

Dhinaca kale kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool ayaa aragtay rekoodhkeedii 100% ahaa ee ay horyaalka ku bilaabatay oo ay ka qastay Aston Villa oo 7-2 dhulka ku jiid-jiiday kulankii Villa Park ka dhacay.

Xaalad kastaba, Owen oo saadaashiisa kulanka Sabtida dhiibtay ayaa sheegay inuu rajaynayo kulan aad la iskugu dhaw yahay balse ay guushu raaci doonto Liverpool oo marti ah.

Michael Owen ayaa hadalkiisa ku furtay “Kani waa Merseyside Derby-gii ugu rajada badnaa sanado badan, yaa saadaalin karayay in labada kooxood ay Everton noqon doonto mida kulanka ku tagaysa rekoodh 100% ah?”

“Kani waxa uu noqon karaa kulan cajiib ah waxaanan qaadanayaa in Reds ay badin doonaan kulan la isku dhaw yahay”

Owen ayaa saadaaliyay in Liverpool ay 2-1 kusoo guuleysan doonto taas oo ka dhigan inay min 12 dhibcood la wadaagi doonaan Toffees kulanka kaddib.

Kulankii ugu dambeeyay ee Merseyside Derby ah ee ay Everton badisay ayaa laga joogaa mudo 10 sano ah waana arrin caddayn u ah in kulanka labada kooxood dhinac ahaa sanadihii ugu dambeeyay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.