SAADAAL: Michael Owen Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guuleysan Doonta FA Cup Sabtida – Midkee Ayuu Ka Farxiyay Chelsea & Arsenal?

Xiddigii hore ee kubadda cagta England ee Michael Owen ayaa dhiibtay saadaashiisa kulanka Final-ka FA Cup ee ay Sabtida gegida Wembley fooda isku dari doonaan kooxaha London kasoo wada jeeda ee Arsenal iyo Chelsea.

Owen ayaan ahayn mid ku cusub oo looga sheekaynayo Finalada FA Cup gaar ahaan kuwa ay ku lug leedahay Arsenal maadaama oo uu 2 gool ka dhaliyay koobkana u gacan geliyay Liverpool xilli uu bedelka kusoo galay iyadoo Arsenal 1-0 hoggaanka ku hayso sanadkii 2001.

Labada kooxood ee ree London ayaa markan ah kuwa sabtida loogu kala bixi doono Wembley oo albaabadu u xidhan yihiin xilli ay Mikel Arteta iyo Frank Lampard wada raadinayaan koobabkoodii ugu horreeyay xirfadooda ciyaareed.

Arsenal ayaa guul lama filaan ah oo 2-0 ah kaga soo talaabsatay kooxda Manchester City wareegii afar dhammaadka ee tartanka halka ay Chelsea 3-1 kaga soo guuleysatay Man United.

Arsenal ayaa ah kooxda baahida badan qabta ee cadaadiska badani saarnaan doono maadaama oo guul ay gaadhaan ay sidoo kale kaga xidhnaan doonto inay UEFA Europe League usoo baxaan xilli ciyaareedka dambe.

Ma jiraan kooxo kusoo guuleystay FA Cup-ka in ka badan Arsenal iyo Chelsea tan iyo sanadkii 2000 maadaama oo ay labada dhinacba min lix jeer soo hanteen.

Haddaba, Michael Owen oo ka saadaal dhiibanaya ciyaartaas ayaa aaminsan inay guushu raaci doonto Chelsea oo uu qabo inay 2-1 kaga guuleysan doonto dhigeeda Arsenal.

Owen oo saadaasha bixinaya sharaxaadna samaynaya ayaa yidhi “Waxaan aaminsanahay in Chelsea ay haysato safka wanaagsan marka la eego labada dhinac, miiska Premier League iyo taariikhda dhawiba waxa ay doorbidayaan Chelsea sidoo kale”

“Waxaan dooranayaa 2-1 Blues ah kaas oo Frank Lampard ku hoggaamin doonta koobkiisii ugu horreeyay ka tababare ahaan”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.