SAADAAL: Khabiir Charlie Nicholas Oo Saadaaliyay Final-ka Holaca Ah Ee Champions League – Midkee Ayuu Guusha Siiyay PSG & Bayern?

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa dhiibtay saadaashiisa kulanka ay habeen dambe wada yeelan doonaan kooxaha Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ee Final-ka Champions League.

Paris oo markeedii ugu horreysay abid gaadhay Final-ka tartankaas ayaa la ciyaaraysa dhigeeda Bayern Munich oo rekoodh wanaagsan ku haysta iyagu koobka maadaama oo ay hore shan jeer ugu soo guuleysteen.

Hubka ugu weyn ee ay PSG ku dagaal galayso habeen dambe ayaa noqonaya xiddigaheeda Kylian Mbappe iyo Neymar JR kuwaas oo daqiiqad kasta oo ciyaarta ah kala duwanaansho samayn kara.

Dhinaca kale Bayern ayaa ku dagaal-galaysa qaabkii ay ku ciyaaraysay kulamadii ugu dambeeyay ee ahaa inay hal mar weerar duufaan ah ku qaado kooxda kasoo horjeeda walow ay u baahan doonaan markan inay isku badnaadaan maadaama oo ay weerar rogaal celis ah ku dili karaan xiddigaha Paris.

Haddaba, khabiir Charlie Nicholas oo khalday saadaashii Europe League ee xalay maadaama oo uu Inter guul 3-2 ah u saadaaliyay balse ay Sevilla isla natiijadaas ku badisay ayaa sidoo kale dhiibtay aragtidiisa Final-ka Champions League.

Charlie Nicholas ayaa ugu horreynba aaminsan in kulanku mid goolal badan noqon doono oo afar gool la iska dhalin doono balse qaba inay labada kooxood goolashaas qaybsan doonaan oo ay 2-2 ku heshiin doonaan.

Aragtidaas ayaa la micno ah inuu qabo in rigoorayaal lagu kala bixi doono waxaana uu Nicholas guul rigoorayaal ah u hibeeyay Paris Saint-Germain isaga oo yidhi “PSG ayaa noqon doona boqorrada Yurub”

Ugu dambayn, adigu akhriste miyaad la aragti tahay Nicholas oo ma qabtaa in Paris ay koobka la hoyan doonto? Aragtidaada noogu reeb qaybta hoose ee faalada.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

12 Comments

  1. haaa isku wax ayanu qabnaa Bayer 2 psg 2
    rigore ayayna gadhaysaa waxanu kugulaysan dona Bayern munchen markii 6aad

  2. uma maleynaayo inaay dhici doonta
    mxaaaa yeelay sida ku socota bayern munich
    ma.ahan mid la cilin karo
    aniga waxaan qabaaaa bayern munich ayaaa
    koobkan la hooyan doonta

Leave a Reply

Your email address will not be published.