SAADAAL: Charlie Nicholas Oo Saadaaliyey Kulamada Champions League & Europa League – Yaa Badin Doona Man City vs Real Madrid & Bayern vs Chelsea

Khabiirka ciyaaraha Charlie Nicholas ayaa saadaaliyey kulamada Champions League iyo Europa League ee wareegga 16ka, waxaanu ka nixiyey kooxo waaweyn.

Kulamo xaasaasi ah ayaa uu dib ugu furmayaa tartanka Champions League oo aan la ciyaarin in ka badan 150 maalmood, waxaana ballansan naadiyo waaweyn oo qaarkood kusoo kala bixi kari waayeen kulamadoodii hore oo barbarro soo galay iyo kooxo soo kala badiyey laakiin lugta labaad lagu go’aamin doono midka u gudbaya wareegga xiga ee siddeeda.

Manchester City oo Real Madrid kaga soo badisay 2-1 ciyaaartii hore ee Santiago Bernabeu, ayaa waxay garoonkeeda Etihad ku martigelinaysaa Jimcaha, waxaanu kulankani yahay mid si weyn loo sugayo oo la eegayo haddii ay City sii xajisan karto guusha ay hore usoo shaqaysatay iyo haddii uu Zinedine Zidane awood u yeelanayo inuu ka daba yimaaddo oo uu Real Madrid usoo saaro wareega xiga.

Chelsea oo khasaare xun kasoo gaadhay ciyaartii garoonkeeda ay ku qaabishay Bayern Munich, lagagana badiyey 3-0 ayaa waxay u safartay Germany oo ay lugta labaad marti ugu tahay kooxda sida xun u garaacday, waxaana halkaas ku sugaysa tababare Frank Lampard shaqo adag oo ah.

Barcelona ayaa iyaduna barbarro 1-1 ah lasoo gashay Napoli oo marti ay ugu ahayd Talyaaniga, halka Juventus ay lasoo kulantay guul-darro qadhaadh oo ay Lyon kaga soo adkaatay 1-0.

Haddaba, khabiirka ciyaaraha ee Charlie Nicholas ayaa saadaaliyey kulamada Champions League ee wareegga 16-ka iyo ciyaaraha kale ee Europa League, waxaanu kaliya shaaciyey saadaasha kulamada ay ku lug leeyihiin kooxaha Ingiriisku.

Saadaasha Charlie Nicholas ee kulamada Champions League

Khabiirku waxa uu jab kale u saadaaliyey Real Madrid iyo Chelsea oo uu ugu sii bushaareeyey guul-darrooyin iyo inay ka hadhayaan tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, halka uu Man City iyo Bayern Munich usii sheegay inay guulo waaweyn oo kale gaadhayaan.

Manchester City 3-2 Real Madrid

Bayern Munich 2-0 Chelsea

Europa League

Bayer Leverkusen 2-1 Rangers

Wolves 2-1 Olympiacos

Manchester United 2-0 LASK

Akhriste, adiguna saadaali kulamadan oo halka hoose ee farriinta akhristaha loogu talo-galay noogu dhaaf waxa ay kula tahay in kooxahani ku kala bixi doonaan.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

21 Comments

  1. Man City 2 – 2 Real Madrid
    Bayern Munich 3 – 1 Chelsea
    Bayern Leverkusen 1 – 1 Rangers
    Wolves 1 – 1 Olympiacos
    Manchester United 3 – 0 LASK

Leave a Reply

Your email address will not be published.