Ronaldo Oo Loo Doortay Ciyaartoygii Reer Brazil Ee Ugu Wanaagsanaa Abid – Halkee Ayey Galeen Pele, Ronaldinho Iyo Romario?

Ronaldo Nazario ayaa ku garaacay halyeyga reer Brazil ee Pele xiddigii ugu wanaagsanaa taariikhda Brazil, waxaana codbixin laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta uu ku helay codadkii ugu badnaa.

Ronaldo oo Brazil u qaaday koobkii adduunka 2002, sidoo kalena kursiga kaydka fadhiyey koobkii Adduunka ee 1994kii uu dalkiisu ku guuleystay, waxa kale oo uu semi-finalka tegay koobkii Adduunka ee lagu qabtay Faransiiska sannadkii 1998kii.

Codbixin uu qaaday wargeyska FourFourTwo ayaa waxa xiddigii ugu fiicnaa ee reer Brazil loogu doortay Ronaldo Nazario, waxaana ku xiga Pele, Ronaldinho iyo Rivaldo.

Ronaldo oo lagu tilmaamo weeraryahankii ugu wanaagsanaa adduunka ee soo xidhay No.9, waxa dhinaca guulaha xulka kaga badan Pele oo saddex koob Adduun u qaaday dalkiisa, laakiin haddana wax ka codad batay Ronaldo.

Pele oo lagu tilmaamo boqorka kubadda cagta, lagana sarraysiiyo ciyaartoyda kale isaga iyo Maradona, waxa uu liiskan kaga jiraa kaalinta labaad, waxaana ku xiga Ronaldinho oo sannado uu joogay Barcelona xirfad indho sarcaad ah dunida kaga yaabsaday.

Neymar oo ah ciyaartoyga waqtigan ugu wanaagsan ciyaartoyda u dhashay Brazil ayaa ku fashilmay inuu tobanka boos ee ugu sarreeya soo galo, waxaana uu u dhacay kaalinta 11aad.

Codbixintan oo lagu soo doortay 32ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa laacibiinta Brazil, waxa kaalinta ugu dambaysa fadhiya Philippe Coutinho, waxaana ka sarreeya khadka dhexe ee Real Madrid ee Casemiro.

Roberto Carlos

Halkan kaga bogo 32-ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa taariikhda Brazil ee uu wargeyska FourFourTwo codbixinta kusoo xulay:

32. Philippe Coutinho

31. Casemiro

30. David Luiz

29. Dunga

28. Denilson

27. Dida

26. Lucio

25. Leonidis

24. Carlos Alberto

23. Gerson

22. Adriano

21. Roberto Firmino

20. Juninho Pernambucano

19. Falcao

18. Ze Roberto

17. Rivellino

16. Gilberto Silva

15. Zico

14. Marcelo

13. Dani Alves

12. Jairzinho

11. Neymar

10. Garrincha

9. Kaka

8. Romario

7. Cafu

6. Socrates

5. Roberto Carlos

4. Rivaldo

3. Ronaldinho

2. Pele

1. Ronaldo

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.