Ronaldo Nazario Oo Shaaciyey SHANTA Ciyaartoy Ee Waqtigan Uu Daawashadooda Ku Raaxaysto & Xiddig Weyn Oo Uu Dhulka La Galay

Halyeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa shaaciyey magacyada shanta ciyaartoy ee waqtigan garoomada kusii jira ee uu ku raaxaysto daawashadooda marka ay kubadda ciyaarayaan.

Ronaldo oo ka mid ahaa weeraryahannadii ugu wanaagsanaa ee abid soo maray kubadda cagta, waxa uu liiska ciyaartoyda uu daawashadooda xiiseeyo uu ka reebay laacibka ay isku magaca yihiin ee Cristiano Ronaldo oo aanu sooba hadal-qaadin, laakiin waxa uu ka doorbiday xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Ronaldo

Laacibka reer Argentine ee Lionel Messi ayaa noqday dookha koowaad ee ciyaartoyda uu Ronaldo Nazario ku raaxayso daawashadiisa, waxaana usoo raaca afar ciyaaryahan oo kale oo ka kala ciyaara Spain, England iyo France.

Ronaldo oo la weydiiyey ciyaartoyda  koowaad ee uu daawashadiisa ka helo, waxa uu yidhi: “Dabcan waa Messi. Waa lambarka koowaad, waa ciyaartoy hibo leh oo 20 sannadood ama 30 sannadood aad sidiisa uun ku arkayso.”

Halyeygan usoo ciyaaray Real Madrid, Barcelona, Inter Milan, AC Milan iyo PSV Eindhoven, waxa kale oo uu sheegay in xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah, garabka Real Madrid iyo xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard iyo labada laacib ee isku kooxda ah ee Neymar Jr oo ay isku waddan yihiin iyo Kylian Mbappe ay yihiin ciyaaryahannada kale ee uu daawashadooda ku raaxaysto.

“Waxa kale oo aan jecelahay inaan daawado Salah, Hazard, Neymar iyo dabcan Mbappe.” Ayuu ku daray.

Weeraryahanka da’da yar ee reer France ee Kylian Mbappe ayuu tibaaxay in dad badan ay ku sheegaan inuu isaga shabbaho, waxaanu yidhi: “Dad badan ayaa sheegay inuu ii egyahay, wuxuu leeyahay orodkii, dhamaystir fiican, dhaqaaq wanaagsan, wuxuu si layaab leh ugu dhuftaa labada lugood, waa tallaabo cajiib ah.”

Ronaldo Nazario waxa uu si cad u qiray in arrimo badan ay iskaga  mid yihiin Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: “Waxyaabo aanu iskaga mid nahay baa jira, laakiin anigu ma jecli isbarbar-dhigga gaar ahaan ciyaartooyo jiilal kala duwan ah, sababtoo ah, xaaladaha ayaa kala duwan.”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.