RIKOODH: Virgil van Dijk Oo Rikoodh Taariikhi Ah Barbarreeyey Maalintii Ugu Dambaysay Horyaalka Premier League

Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk  ayaa noqday ciyaartoygii shanaad ee u ciyaaray koox horyaalka Premier League ku guuleysatay, isla markaana daqiiqad kasta oo xili ciyaareedka kooxdiisa ah soo taagnaa.

Xiddiga reer Netherlands ayaa udub-dhexaad u ahaa guushii horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, kaas oo ay hanteen koobka markii ugu horreysay muddo 30 sannadood ah, iyagoo soo afjartay abaartii horyaalka ka saarnayd muddada dheer.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa xili ciyaareedkan soo bandhigtay rikoodh dhinaca difaaca ah oo u ogolaaday inay koobka ku guuleystaan, waxaana mahaddeeda iska leh Van Dijk oo rukun adag ahaa, isla markaana laacib kasta oo ka garab ciyaaray ka dhigay mid wanaagsan.

Van Dijk ayaa saddex daafac ay xili ciyaareedkan kusoo wada qaateen Anfield, waxaanay kala ahaayeen Gomez, Lovren iyo Joel Matip, laakiin labada dambe ayaa qaybtii dambe dhaawac ku maqnaa, fursadna siiyey Gomez oo isaguna kulamada qaarkood seegay.

Virgil van Dijk ayaa adkaysi badan muujiyey, sidoo kalena akhlaaqad ku darsaday, waxaanu soo taagnaa dhamaan 38kii ciyaarood ee kooxdiisa ee horyaalka Premier League oo aanu mid kaliyana kaga maqnaan dhaawac ama ganaax.

Arrintan darteed, waxa uu Van Dijk ku barbarreeyey rikoodh ay hore u haysteen afar ciyaartoy oo ka horreeyey oo dhamaan kulamadii kooxahooda u saftay iyagoo horyaalkana ku guuleystay.

Cesar Azpilicuete iyo West Morgan ayaa Chelsea iyo Leicester City la qaaday horyaalka Premier League iyagoon hal kulan maqnaanin, waxaanay soo qabteen rikoodhkii John Terry ee xili ciyaareedkii 2004/05 oo sidooda oo kale horyaalka qaaday isagoon hal kulanna seegin, isla markaana ay dhamaadkii farxadda wadaageen Jose Mourinho oo xilligaa laylinayay Blues.

Rikoodhkan waxa ugu horreeyey Gary Pallister oo xili ciyaareedkii 1992/93 kula guuleystay Manchester United horyaalka Premier League, dhamaan kulamadii kooxdiisana saftay waqtigaas.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.