RIKOODH: Mason Greenwood Oo Babarreeyey Rikoodh Gaar U Ahaa George Best, Brian Kidd Iyo Wayne Rooney

Da’yarka Manchester United ee Mason Greenwood ayaa sii wada wacdaraha uu ka dhigayo horyaalka Premier League, waxaanu soo qabtay rikoodh khaas u ahaa halyeeyadii Red Devils ee Wayne Rooney, Brian Kidd iyo George Best.

18 jirkan ayaa kooxdiisa Manchester United u dhaliyey goolka barbarraha, kulankii ay dhibcaha wadaageen West Ham United ee ay 1-1 ku kala baxeen iyagoo jooga garoonka Old Trafford.

Greenwood oo kaydka ku jiray ciyaartii Axaddii ay guul-darradu kasoo gaadhay Manchester United ee ay Chelsea ku wada ciyaareen Wembley semi-finalka FA Cup, waxa uu xalay shimbir u noqday kooxdiisa oo uu ka badbaadiyey guul-darro isaga oo u dhaliyey goolka barbarraha xilli gool lagala hormaray kooxdiisa.

16 gool oo uu hore usoo dhaliyey xili ciyaareedkan, waxa uu Greenwood raadinayay goolal kale oo uu kooxdiisana kaga farxiyo, isla amrkaana rikoodhkiisa goolasha sare ugu sii qaado, si uu taariikhda Red Devils iskaga qoro baal dahab ah.

Qaybta labaad oo afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayuu Mason Greenwood lugta bidix ku dhaliyey goolka sababta u noqday in Manchester United ay kaalinta saddexaad ee horyaalka fadhiisato, waxaanu goolkaas kusoo qabtay rikoodhkii gool-dhalinta ee halyeeyada kooxda ee Kidd, Rooney iyo Best, waxaanu noqday ciyaartoygii afraad ee ugu da’da yaraa ee Man United u dhaliye 17 gool hal xili ciyaareed gudihiisa.

Xiddigan da’da yar waxa uu fursad u haystaa in rikoodhka saddexdan laacib uu dhaafo kulanka ugu dambeeya horyaalka Premier League ee ay Axadda la ciyaarayaan Leicester City.

Waxa kale oo uu qayb ka yahay oo uu goolashiisa kusii kordhisan karaa tartanka Europa League oo Man United ay lug kula sii jirto wareegga siddeedda.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.