Real Madrid Oo Warbixin Kasoo Saartay Dhaawaca Marcelo & Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo

Difaaca bidix ee Real Madrid ee Marcelo ayaa ka maqnaan doona kulamada ka hadhay xili ciyaareedka 2019/20 ee horyaalka LaLiga, kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa lugta bidix kulankii ay Real Madrid 1-0 kaga badisay Athletic Bilbao.

Xiddiga reer Brazil oo dhaawaciisu kusoo beegmay waqti adag oo Los Blancos ay u baahan tahay ciyaartooyo ka caawiya inay sii dheeraystaan hoggaanka horyaalka ee ay ku dhow yihiin inay kaga guuleystaan Barcelona, waxa uu garoomada ka mqnaan doonaa muddo saddex toddobaad ah.

Marcelo
Marcelo

Los Blancos oo caawa martigelinaysa Alaves, waxay ka wiiqan tahay difaaca oo ay ganaax kaga maqan yihiin Sergio Ramos iyo Dani Carvajal, halka Nacho iyo Marcelo ay dhaawacan yihiin, waxaanu Zidane haystaa saddex difaac oo kaliya oo mid ka mid ah tayadiisa saluug badan laga muujinayo.

Raphael Varane oo kasoo laabtay dhaawac, Ferland Mendy iyo Eder Militao oo la saluugsan yahay ayuu Zidane ku dagaal-gelayaa.

Dhaawaca Marcelo oo kusoo beegmayd waqti adag ayaa la sheegay inuu kusoo laaban doono garoomada ka hor kulanka muhiimka ah ee lugta labaad ee Champions League ay wada ciyaari doonaan Manchester City marka ay taariikhdu tahay August 7.

Warbixin ay Real Madrid kasoo saartay baadhitaannadii lagu sameeyey Marcelo ayay ku xaqiijisay in laga daaweeyey dhaawac kasoo gaadhay muqura lugta bidix, waxaana lagu yidhi warbixinta: “Baadhitaano ay xarunta adeegga Caafimaadka Real Madrid ay maanta ku samaysay Marcelo, waxa lagaga daaweeyey dhaawac kasoo gaadhay muruqa lugta bidix, soo kabashadiisana waa la qiimayn doonaa.”

Real Madrid ayaa afarta ciyaarood ee uga hadhay horyaalka LaLiga waxay uga baahan tahay toddoba dhibcood si ay Koobka ugaga guuleysato Barcelona.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.