Real Madrid Oo Qarka U Saaran Koobka LaLiga, VAR Oo Ka Caawiyey Guul Ay Ka Gaadheen Alaves Iyo Dhibcaha Ay Uga Baahan Yihiin Kulamada Hadhay

Real Madrid ayaa kusii dhowaatay hanashada horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxaanay kaliya u baahan tahay shan dhibcood saddexda ciyaarood ee u hadhay.

Real Madrid oo 2-0 ku garaacday Alaves oo ay ku qaabishay garoonka Estadio Alfredo Di Stefano, waxaana goolka hore oo rikoodhe ahaa u dhaliyey qaybtii hore weeraryahanka reer France ee Karim Benzema halka uu qaybtii dambena gool labaad ku daray Marco Asensio qaybtii dambe oo waxyar socotay.

Pri157364389

Alaves ayaa sigtay gool qaybtii hore ee ciyaarta, iyagoo birta ka jaray kubadda mar kalena laga soo celiyey kubadda oo goolka sii gelaysa.

Real Madrid ayaa afar dhibcood ka sare martay Barcelona oo kusoo xigta iyadoo horyaalkana ay saddex Ciyaarood oo kali ah ka hadhsan yihiin, waxaana Los Blancos ay koobka ku guuleysan doontaa haddii ay labada ciyaarood ee soo socda badiso.

Shaxdii labada kooxood

ALAVES XI (4-4-2): Roberto Jimenez; Ximo Navarro, Víctor Laguardia (c), Rodrigo Ely, Adrian Marin; Oliver Burke, Victor Camarasa, Ljubomir Fejsa, Edgar Mendez; Lucas Perez, Joselu.

Kaydka: Paulino de la Fuente, Jose Luis Rodriguez, Rafa Navarro, Luis Rioja, Martin Aguirregabiria, Tomas Pina, Manu Garcia, Pere Pons, Abdallahi Mahmoud, Aritz Castro, Lisandro Magallan, Borja Sainz.

MADRID XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Lucas Vazquez, Eder Militao, Raphael Varane, Ferland Mendy; Toni Kroos, Casemiro, Luka Modric; Rodrygo, Karim Benzema (c), Marco Asensio.

Kaydka: Brahim Diaz, Alphonse Areola, Mariano, Miguel Gutierrez, Javi Hernandez, Vinicius Junior, Diego Altube, Gareth Bale, Isco, Eden Hazard, Federico Valverde.

Zidane ayaa afar beddel ku sameeyey shaxdii uu Axaddii kula ciyaaray Athletic Bilbao oo 1-0 ay kaga badiyeen. Dani Carvajal iyo Sergio Ramos oo ganaax ah, Marcelo oo dhaawacmay ayaa garoonka ka maqnaa, halka Valverde kaydka la dhigay oo Toni Kroos oo ciyaartii hore la nasiyey lagu soo beddelay.

Alaves ayaa fursad heshay daqiiqaddii afraad ee bilowga ciyaarta, waxaana kubbad uu Mendez kasoo dhiibay dhinaca bidix madax ku qabtay Joselu oo lix yard u jiray goolka, laakiin kubadda ayaa ka dallacantay iyadoo uu Varane ahaa qofka sababay in fursaddaasi ka lunto Alaves.

RIKOODHE!!!! Real Madrid ayaa loo dhigay rikoodhe daqiiqaddii 11aad ee ciyaarta, kaddib markii uu Navarro qalad ku galay Mendy oo dhinaca bidix kala soo galay kubbad. VAR ayaa laga soo hubiyey kubadda.

Pri157364296

GOOOOAAAALLL!!! MADRID 1-0 ALAVES!! Karim Benzema ayaa Real Madrid hoggaanka u dhiibay, waxaana uu gool u beddelay rikoodaha loo dhigay. Benzema ayaa ka faa’iidaystay maqnaanshaha Sergio Ramos oo rikoodheyaasha iska leh, laakiin ganaax ku fadhiyey bannaanka.

Karim

Toni Kroos ayaa daqiiqado yar kaddib goolka kooxdiisa waxa uu kubbad ku toogtay goolka Alaves isaga oo laynka dushiisa jooga, laakiin kubadda ayaa waxyar ka dallacantay.

Ciyaartoyda Alaves ayaa kubbado dhawr ah geliyey xerada ganaaxa ee Real Madrid, waxaana halis weyn ahayd mid ka mid ah kubbadahaas oo laga soo dhiibay dhinaca bidix.

Real Madrid ayaa sidaas oo kale samaysay fursado waaweyn oo goolal noqon karayay, laakiin marka ay kubaddoodu gaadho afka hore ee ay ku dhowaato goolka Alaves ayay wax iska beddelayeen iyadoo uu Rodrygo oo ka ciyaarayay garabka bidix uu ahaa laacibka ay difaaca Alaves ku dhibaatoodeen inay xakameeyaan, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-0.

Qaybta labaad ayay Real Madrid kula soo laabatay kalsooni ka badan intii hore iyo kubbad isku-dhiib heerkeedu sarreeyo, iyadoo ay Asensio iyo Rodrygo lasoo laabteen dardar intii hore ka badan.

GOOOAALLL!!! MADRID 2-0 ALAVES!! Rodrygo ayaa kubbad usoo dhiibay Karim Benzema oo u muuqday inuu ku jiro OFFSIDE, waxaanu laacibka reer France ka dheereeyey difaacyahannada Alaves, isaga oo goolka kubadda u hordhigay Asensio oo isaguna goolka kubadda ku leexiyey.

Garsooraha ciyaarta ayaa offside ku sheegay oo diiday goolka, waxaana Real Madrid oo u muuqata inay samirtay lagala soo hadlay VAR oo loo sheegay inuu goolku sax yahay, waxaana halkaa ka bilaabmay damaashaad ay ciyaartoyda Real Madrid garoonka dhexdiisa ku sameeyeen.

BADBAADO: Goolhaye Thibaut Courtois ayaa badbaadiyey kubbad ay iskugu kaliyeysteen Joselu oo baas qurux badan ka helay Mendez. Goolhayaha reer Colombia ayaa goolkiisa ka diiday inay kubaddaasi tagto.

Karim.

Zinedine Zidane ayaa tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey saaray Karim Benzema oo u muuqday inuu dhaawacan yahay iyo Rodrygo, waxaanu keenay keenay Eden Hazard oo kasoo laabtay dhaawac iyo Isco, kuwaas oo dejiyey ciyaarta.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Real Madrid, waxaanay hoggaanka ku qabatay 80 dhibcood iyagoo afar dhibcood ka horreeya Barcelona oo kaalinta labaad ku haysa 76 dhibcood.

Horyaalka ayay ka hadhsan yihiin saddex ciyaarood oo kaliya, waxaana sagaalkaas dhibcood ay Real Madrid uga baahan tahay inay ka hesho shan dhibcood si ay horyaalka ugu guuleysato xataa haddii ay Barcelona wada badiso kulamadeeda.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.